Xiriirka Dalka Talyaaniga ayaa sameeyay dib u dhig ah in kulankii Roma iyo Juventus ee lagu balansanaa in la ciyaaro 9-ka bisha May loo badalo 11-ka Bisha May madama kooxda Juventus laga soo reebay tartanka Europa League habeenkii Jimcada.
Sida ku cad jadwalkii ugu horeeyay ee horyaalka talyaaniga wareegiisa labaad Roma ayaa Olympico ku qabileysa Juventus 11-ka May balse xiriirka dalka Talyaaniga ayaa usoo guuriyay 9-ka May madama la filayay in Juventus ay soo gaareyso Finalka koobka Europa League iyadoo la doonayay iney isku diyaariso finalkaas oo dhacaya 14-ka bisha May.
Nasiib xumo Juventus ayaa laga reebay Tartanka waxaana kulankii loo soo celiyay waqtigiisii caadiga ahaa ee 11-ka May Maalinta Axada.
Sidoo kale kulankii Napoli iyo Sampdoria ayaa waqtiga ama saacada loo badalay waxaana lagu waday iney ciyaaraan habeenka axada 9:45, waxaase loo badalay 4:00 galabnimo.
Booska Napoli iyo Sampdoria laga bixiyay waxaa soo gali doona Roma vs Juventus.
Haatan Kulanka Roma iyo Juventus oo ka dhici doona Olympico wuxuu dhacayaa habeenka axadda soo aadan.