waxaa caawa la cayaarayaa kulamo badan oo ka tirsan koobka adduunka 2014 Btazil, waxaana ugu adag kulanka dhex mari doono wadamada Italy Vs England oo ah kulan aad loo wada sugaayo, haddaba hoos ka akhriso:
Kulamada Koobka Aduunka ee Caawo La Cayaari Doono:
Group C:
7:00 fiidnimo Colombia Vs Greece Live Super Sport 3
Group D:
10:00 habeenimo Uruguay Vs Costa Rica Live Super Sport 3
01:00 habeenimo England Vs Italy Live Super Sport 3
Group C: 04:00 subaxnimo Ivory Coast Vs Japan Live Super Sport 3
Sadaasha Laga Bixiyay Kulamada Koobka Aduunka Ee Caawo La Cayaari Doono Group (C & D)
Waxaan dib umba qaadi doonaa sadaashii xiisaha badneed ee aan marwalbo idiin soo gudbin jirnay markii ay horyaalada Yurub socdeen balse markan waxaan si gaar ah diirada u saari doonaa tartanka koobka aduunka oo haatan si habsami ku dheehan dalka Brazil uga socdo, sida darteed sadaasha xiisaha badan ee laga bixiyay guruubyada C iyo D oo caawo la cayaari doono ayaan idin la wadaagnay fadlan hoos kaga bogo:
Group C
Colombia 2-0 Greece
Ivory Coast 1-0 Japan
Group D:
Uruguay 1-1 Costa Rica
England 1-0 Italy
F.G: Akhriste macluumaadkan waa mid sadaal ku dhisan kama turjumeyso fikirkeena fadlan adigaba way kuu fuuran tahay sadaasha ka baxso waa muhiim.