Kubad sameeye ka tirsan kooxda Chelsea kana mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda galbeedka London ka dhisan ayaa saaxiibkiisa Barcelona u sharaxay inuusan ku faraxsaneen qaab ciyaareedka kooxda uu hogaamiyo Jose Mourinho isagoo sidoo kale u cadeeyay inuu doonayo ku biiritaanka kooxda Barcelona.
23-jirka reer Belgium ayaa dhaliilay qaab ciyaareedka macalin Jose ee qaab difaceedka ku dhisan isagoo jawaab kulul kala kulmay Jose 24-saac midaasna waxey sii kululeesay xaalada ka dhex taagan Chelsea iyo Hazard.
Mundo Deportivo ayaa cadeysay in Hazard uu si toos ah ugu sheegay saaxiib aan magaciisa la shaacin oo ka tirsan Barcelona inuu diyaar u yahay hadii Barca ay dalbaneyso.
“Diyaar ayaan idiin ahay hadii aad dalab iisoo dirtaan” Ayuu Hazard u sheegay saaxiibkiis ayey Mundo Deportivo ku warantay.
Eden Hazard ayaa dhaliyay 14-gool, xili ciyaareedkaan 33-kulan oo uu saftay.
Heshiiska xidigaan iyo Blues ayaa ku eg 2017-ka waxaana sidoo kale doonaya koxaha Real Madrid, Bayern Munich iyo Paris Saint Germain.