Home » Maxaa Cusub » Kooxda Roma Oo Dhigeeda Man United Kaga Digtay Inay Faraha Ka Qaado Xidigaha Caasimada Talyaaniga Ku Sugan

Kooxda Roma Oo Dhigeeda Man United Kaga Digtay Inay Faraha Ka Qaado Xidigaha Caasimada Talyaaniga Ku Sugan


C_3_Media_1792843_immagine_ts673_400


Naadiga Roma oo xili cayaareedkii dhamaaday dadaal dheeri ah sameesay kadib markii ay kaalinta labaad Serie A-da ka gashay sidoo kalena ay loolan culus la gashay naadiga Juventus waxay kooxdan muteesatay amaan balaaran waxaa inaas usii dheer in dhamaan xidigaheeda ay qaab cayaareed wanaagsan soo bandhgeen taasina waxay keentay in kooxda Man United ay dabal ku sameeso labada xidig ee kooxdan ugu muhiimsan Kevin Strootman iyo Gervinho balse maamulka Roma ayaa si caro ku dheehan uga jawaabeen dalabka Man United waxayna kaga digeen inay sii wadaan qal qaalada sida qarsoon ay u wadaan waxayna Roma si gaar ah uga walaacsan tahay macalin Luis Van Gaal oo isku xil qaamay inuu Kevin Strootman garoonka Old Trafford geeyo xagaagan waxaana qandaraaskiisa lagu jebin karaa £32m.

Tababaraha Roma Rudi Garcia ayaa arinkan ka hadlay wuxuuna yiri “Roma ma ahan naadi u taagan inay xidigaheeda ka gacasanto balse qorshaheena wuxuu yahay inaan ceshano xidigaheeda muhiimka ah sidoo kalena aan awoodeeda sare usii qaadno waana ka warqabnaa dadaalka laciifka ah oo ay Man United wado balse hadafkeena waa midka iska cad mana iibin doono xagaagan Strootman iyo Gervinho” Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro xulka Holland Kevin Strootman haatan garoomada dhaawac halis ah ayuu kaga maqan yahay balse waxaan la iloobi karin in xili cayaareedkan uu Serie A-da wacdaro ka dhigay waxaana xidigan taageero weyn u ah macalin Luis Van Gaal oo bartilmaameed kowaad ka dhigtay xidigan tayada wanaagsan sidoo kalena macalin Van Gaal wuxuu doonayaa inuu Premiership-ka dib ugu soo celiyo xidiga reer Ivory Coast Gervinho oo xili cayaareedkan Roma guulo muhiim ah u horseeday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close