Home » Maxaa Cusub » Kooxda Liverpool Oo War Farxad Leh Ka Heshay Daafac Ay Ku Raad Joogtay, Waa Kuma?

Kooxda Liverpool Oo War Farxad Leh Ka Heshay Daafac Ay Ku Raad Joogtay, Waa Kuma?


Marcel

Daafac garabka bidix kaga cayaaro xulka Jarmalka iyo naadiga Dortmund Marcel Schmelzer ayaa siweyn usoo dhaweeyay daabka ay kooxda Liverpool usoo dirtay wuxuuna xidigan sheegay inuu aad u jecel yahay kasoo muuqashada garoonka Anfield iyo Premiership-ka England inkastoo Schmelzer qandaraaska uu Dortmund kula joogo ku egyahay sanada 2017 hadana kooxda Liverpool waxa ku darsatay liiskeeda si ay xagaagan gacanta ugu soo dhigto daafacan tayada wanaagsan hadaba Marcel Schmelzer dalabka Liverpool muxuu ka yiri “dabcan aadbay ii xiiso galisay sheekada ku aadan inay Liverpool ii baahan tahay sidoo kalena sharaf weyn ayay ii tahay in mid ka mid ah kooxaha aduunka ugu wanaagsan ay dooneyso inay xirfadeyda cayaaree ka faa’iideesato”

26-jirkan bilihii ugu dambeeyay kooxdiida Dortmund uma cayaarin madaama uu dhaawac mudo garoomada kaga maqan yahay waxaana haatan booskiisa xirtay daafaca dhalinta yar Erik Dum oo kusoo baxay xidig garabka bidix ee daafaca ku wanaagsan sidaa darteed Dortmund iskama dhaga tiri doonto hadii dalab wanaagsan ay kooxda Liverpool miiska usoo saarto. Geeska kale Marcel Schmelzer ayaa sheegay inuu kasoo kaban rabo dhaawacii uu waayahan garoomada kaga maqnaa wuxuuna sheegay in labada kulan ee ugu dambeeyo Bundesligaha oo ay kooxdiisa Dortmund la cayaari doonto Hoffenheim iyo Hertha Berlin uu ku rajo weyn yahay inuu saft sidoo kalena uu kama dambeesta tartanka DFB Pokal cayaaro madaama Dortmund Vs Bayern Munich ku kulmi doonaan bartamaha bisha May ee nagu soo fool leh.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close