Home » Maxaa Cusub » Kooxda Barcelona Oo Xidig Muhiim Ah Ka Dooneysa Dhigeeda Liverpool

Kooxda Barcelona Oo Xidig Muhiim Ah Ka Dooneysa Dhigeeda Liverpool


Agger

Kadib markii ganaaxii suuqa kala iibsiga ee Barcelona saarnaa hakad la galiyay taasoo ka dhigan in kooxda ka dhisan gobolka Catalan ay soo iibsan karto xidiga ay dooneyso ayey weerar ku qaadeen kooxda Liverpool iyagoo ka doonaya xidig muhiim ah.

Kooxda ka dhisan dalka Spain ayaa dhibaato dhanka daafaca ah la tiiceysa waxeyna Liverpool ka dooneysaa kabtanka xulka Denmark Daniel Agger kaas oo aan boos joogto ah ka heysan kooxdiisa.

29-jirkaan ayaa inta badan noloshiisa ku qarash gareeyay garoonka Anfield waxeyna Barca la dooneysaa inuu galo booska uu baneynaayo Charles Puyol.

Sidoo kale Barca ayaa dooneysa xidiga reer Brazil David Luiz oo isna ah xubin kale oo muhim u ah inuu yimaado kooxda.

Dhanka kale Agger ayaa lala xiriirinayaa inuu la midoobi doono macalinkiisii hore Liverpool Rafael Benitez kas oo haatan haya xilka kooxda Napoli ee reer talyaani.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close