Home » Horyaalada » La liga » Kooxda Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Goolhaye Marc-Andre Ter Stegen

Kooxda Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Goolhaye Marc-Andre Ter Stegen


Marc-Andre Ter Stegen

Kooxda ka dhisan gobolka Catalonia aya ku dhawaaqday saxiixa goolhayaha kooxda Borrusia Monchengladbach Marc-Andre Ter Stegen kaas oo 22-jir u dhashay dalka Jarmalka ah.

Barca ayaa heshiis hordhac ah la gaaray xidigaan horaantii xili ciyaareedkii dhamaaday balse kooxda uu macalinka cusub u noqday Luis Enrique ayaa isbadal weyn isku sameyn doonta waana xidigii ugu horeeyay ee soo gala gacanta Bulgarana.

Da’yakaan reer Jarmal ayaa ka mid ah goolhayayaasha ugu wanaagsan qaarada yurub isla markaana mustaqbalka ciyaared ku leh kubada cagta aduunka.

Barca ayaana warkaan ku shaacisay bogeeda Twitter-ka: “Maamulka Kooxda ayaa ku dhawaaqay saxiixa Marc-Andre Ter Stegen iyo sidoo kale soo laabashada xidigaha amaahda ku maqnaa ee Rafinha iyo Gerard Deulofeu”

Si Kastaba Barcelona ayaa qaaday talabadii ugu horeysay ee suuqa kala iibsiga waxaana la rumeysan yahay in Barca ay heshay goolhaye ku haboon.

Victor Valdes ayaa dhaawac mudo lix bilood ah, inkastoo uu ka tagayo kooxda dhamaadka xagaagan, sidoo Kale Jose Manuel Pinto ayaan kasii muuqan doonin garoomada madama la filayo inuu isaga fariisto kubada cagta.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close