Ugu dambeyntii kooxda AC Milan ayaa sheegtay in dhibaatada Super Mario ay xal u heshay madaama kooxdan ay wada xaajood rasmi ah la furtay dhigeeda Man City ayadoo ka dooneyso Alvaro Negredo oo la filaayo inuu xili cayaareedka dambe noqdo hogaamiyaha kooxda AC Milan ee dhanka weerarka, madaama Balotellli uu dhibaato joogto ah ku haayo Milan sidoo kalena xidigan doorkiisa ka gaabiyay waxay maamulka kooxdan isku raaceen in xagaagan la iibiyo sidaa darteed Super Mario oo 23-jir ah garoonka San Serio baaqi kuma sii ahaan doono waxaana booskiisa la wareegi doono Alvaro Negredo.
Alvaro Negredo bilawgii xili cayaareedkan ayuu Man City kusoo biiray wuxuuna kusoo baxay gool dhaliye la isku haleen karo sidoo kalena kaalin muuqato ayuu ka qaatay kooxdiisa Man City qaybtii hore ee xili cayaareedkan balse qaybtii dambe ee xili cayaareedkan ayuu hoos u dhac muujiyay sidaa darteed macalin Manuel Pelligrini ayaa ku fikiraayo inuu xidigan iska iibiyo wuxuuna macalinkan diyaar u yahay dalabka Milan inuu aqbalo ilaa haatan lama sheegin in Alvaro Negredo uu dalabka Milan aqbali doono balse kooxda reer Talyaani saxiixi xidiga waxay ugu tala gashay 20-milyan oo euro ah. Dhanka kale Man City iyadana waxay wakiilo u dirtay dalka Frane si ay wada xaajood ula furaan naadiga PSG waxayna ka dooneysaa Edinson Cavani oo xagaagan suuqa lasoo dhigi doono balse ma ahan xidig qiimo jaban ay Man City ku heli doonto.