Kubad sameeyaha kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa isku diyaarinaya inuu isaga hayaamo kooxda Galbeedka London ka dhisan kadib markii uu qaab xumo ku eedeeyay maskaxda macalin Jose Mourinho uu adeegsaday kulankii Atletico Madrid, inkastoo uu jawaab culus kala kulmay tababare Jose.
Si Kastaba kooxda PSG Ayaa ku raad joogtay xidigaan mudo dheer wuxuuna kooxda Lille kaga soo biiray Blues 2012, isagoo ka mid noqday halbowlaha kooxda Stamford Bridge ku ciyaarta.
Arinta xiisaha leh ayaa ah in Chelsea ay xiiseyneyso Edinson Cavani oo ka tirsan PSG halka Hazard ay dooneyso PSG isagoo gadod ka ah kubada aan quruxda badneyn ee uu ciyaaro tababare Jose Mourinho.
23-jirkaan reer Belgium ayaa aadi doona Paris halka Cavani uu imaan doono London waa hadii labada kooxood ay isku fahmaan wadahadalka u dhaxeeya.