Home » Maxaa Cusub » Khamiis: Barnaamijkii Su’aalaha Ee Kulanka Dhalinyarada & Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad.com

Khamiis: Barnaamijkii Su’aalaha Ee Kulanka Dhalinyarada & Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad.com

SUAALAHA

Maalin Wanaagsan Dhamaan Akhristayaasha Shabakadda Hiilkubad.com, Maanta Waa Isbuucii Sadexaad ee tartanka Horyaalka [Kulanka Dhalinyarada] & Shabakadda Hiilkubad.com.

Sida aan Horay u sheegnay Waxaan Maanta Oo Khamiis ah aan idiin soo gudbineynaa Su’aasha Todobaadka Oo Ka Koobnaan Doonta (B &T) Adinkoo Jawaabihiina Kusoo Diri Kara [[email protected].

Su’aasha Maanta:

B = Sheeg Ciyaariyahanka Xulka France Nicolas Anelka Inta Naadi Uu U Ciyaaray?

T= Naadiga Ugu Badan Ee Ku Guuleysatay Koobka Capital One Cup ama Carling Cup?

F.G: Fadan Adigoo Aad u Mahadsan Jawaabta aad bixineyso Haku soo qorin qeyba hoose ee Fikradaha, Hadii aad kusoo qortana Kuuma xisaabin doono.

Muhiim: Labada Qeybood ee Su’aasha Maanta Hadii Mid ka mid ah toos u garato,  (2-dhibcood) ayaad heli doontaa hadii aad labadaba garato (4-dhibcood) ayaad heleysaa

Hadii Labada qeybood ee su’aasha ay ka kooban tahay mid ka mid ah aad qeyb ka jawaabto laguuma xisaabin doono Micnaha ayaana ah lama bixin doono dhibco dhan (1 ama 3) waa inaad qadato (2 ama 4)

Xeerka Jawaabaha:

1. In Akhristaha uu qoro inta uusan jawaabta su’aasha Bilaabin Magaciisa isla markaana uu raaciyo jawaabta uu mida saxda ah u arko, hadii Jawaabtaada uu magaca ka maqan yahay xisaabta ma gali doonto.Ogowna: in Magacaga uu yahay qeyb ka mid ah Jawaabta.

2. Hadii aad dooneyso in dhibcahaagii xisaabta lagugu daro, Ha Badalin magaca markii hore laguu diiwan galiyay hadii aad badasho magacaga ogow dhibcihii aad horay u shaqeysatay xisaabta ma gali doonaan. Markasta Isticmaal Hal Magac.

3. Isku day inaad soo dirto Hal Jawaab oo kaliya, hadii dhowr jeer aad soo dirto jawaabo is diidan ama is khilaafaya, dhibco kuuma xisaabin doono.

4. Su’aasha oo aad qeyb ka mid ah garato ha u qaadan inaad dhibco ku heleyso, waxba laguuma xisaabin doono hadii aad garato qeyb ka mid ah jawaabta. F.G: Waa Inaad wada saxdaa jawaabta si aad u hesho 2-dhibcood hadii kale wax dhibic ah laguma siin doono.

Waqtiga Jawaabta Lagaa Sugayo: 12ka duhurnimo maalinta Jimcaha Xiliga Geeska Africa (GSA).

Hadii Ay Jirto: Cabasho, Talo & Su’aal intaba waxaad lasoo xiririi kartaa[email protected], waxaana kuugu soo jawaabi doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Jawaabta Saxda ah Ee Todobaadka & Kala Sareynta Akhristayaasha Barnaamijka Kulanka Dhalinyarada Ee Shabakadda Hiilkubad Waxaan soo gudbin doonaa Maalinimada Talaadada Ah Haduu Ilaah Ka Raali Noqdo.

Fadlan Cinwaanka Jawaabta Lagu Soo Dirayo Waa [email protected], Fadlan Si Wanaagsan isaga hubi hana u qadan in xaraf ka maqan yahay Waana Ku Talagal ([email protected]).

BALANTEENA: Waa Inoo Maalinta Talaadada Ah Oo Aan Baahin Doono Jawaabta Akhristayaasha & Kala Sareynta Barnaamijka Kulanka Dhalinyarada Ee Shabakadda Hiilkubad.com


Waxaa Aqrisay: (146)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>