Waxaa la yaab ah in Habeen Dambe fiidkii labo walaal ah uu dagaal culus dhex mari doono waxayna kala yihiin Kevin-Prince Boateng iyo Jerome Baoteng labadan xidig ayaa isku haleeli doonaan kulanka dhex mari doono Schalke Vs Bayern Munich inkastoo labadan koox uu xifaalten soo jireen ah ka dhaxeeyo hadana kulankan dhinac kale ayuu xiiso ka yeeshay madaama labadan xidig oo walaalaha ah markii ugu horeesay ay iska hor imaan doonaan, Kevin-Prince Boateng dhawaan ayuu dib ugu soo laabtay Bundesligaha kadib markii uu kooxda Milan isaga soo tagay tan iyo markii Schalke kusoo biiray xidigan kooxdan niyadeeda dib ayuu usoo celiyay madaama ay guuleesatay 3-kulan oo xariir ah sidoo kalena aan wax gool ah laga dhalinin.
Hadaba K. P Boateng oo u hanqal taagay ka hor imaadka walaalkiis ka yar wuxuu yiri “waan ku faraxsanahay inaan Jerome Boateng ka hor tagi doono balse waxaan u sheegay 90-daqiiqo ee aan wada cayaari doono inuu iska iloobo inaan walaalo nahay waayo wax jileec ah igama arki doono! Waxaa kaloo xusid mudan in K.P Boetang uu weerarka Schalke uga cayaari doono halka Jerome Boetang isna macalin Pep Guardiola u xil saaray inuu walaalkiis raaco sidaa darteed kulankan ayaa lagu tilmaamay Boateng Vs Boateng hadaba yaa guuleesan doono!