Naadiga Sevilla waxay si rasmi ah ugu guulestay tartanka UEFA Europa League markii 3-aad mudo 7-sano gudaheeda ah kadib markii ay 4-2 rigoorayaal kaga qaaday naadiga Benfica guusha Sevilla ay gaartay ayaa ka dhigay in dalka Spain uu haatan tartanka qiimaha badan kooxahiis hanteen 8-jeer taariikh ahaan waxayna soo galeen kaalinta 2-aad ayagoo ka sara mareen dalka England balse weli kaalinta 1-aad dalka Talyaaniga ayaa ku jiro, hadaba tartankan taariikhdiisa dheer tahay marxalado kala duwan ayuu soo maray waayo bilawgii 70-kii kooxaha ka dhisan dalka England ayaa koobkan inta badan aruursan jireen waxaana markii ugu horeesay ku afbilaawday naadiga Tottenham waxayna markaas ka qaadeen kooxda Wolverhampton Wanderers oo iyadana England ka dhisan dabcan Spurs kaligeed guulo ma gaarin waxaa sidoo kalena koobkan xiliyadaas qaadeen kooxaha Liverpool iyo Ipswich Town.
Kooxaha reer England tartankan UEFA Cup waxayn hatneen 5-ka mid ah 13-sano ee ugu horeesay bilaabashadiisa laakiin 30-sano ee ugu dambeesay labo jeer oo kaliya ayay kooxaha England qaadeen koobkan waxaana ugu dambeesay Chelsea oo xili cayaareedkii hanatay.
Dhanka naadiyada reer Talyaani oo ah kooxaha ugu guulaha badan tartankan waxay qaadeen 9-jeer taariikh ahaan weliba waayihii quruxda badnaa ee Talyaaniga wuxuu ku beegnaa 1980-kii iyo 1990-kii weliba intii u dhaxeesay 1988/89 ilaa 1994/95 waxay tartankan qaadeen 7-jeer ayagoo 10-Final imaadeen!
Dalka Spian isagana bilawgii 2000 ayay koobkan calfashadiisa bilaabeen weliba 11-sano ee ugu dambeesay 6-jeer ayay ku guuleesteen tartankan sedex ka mid ah Sevilla ayaa qaaday sidoo kale Atletico Madrid labo jeer ayay hanatay halka Valencia ay qaaday sanadii 2004 sidoo kale Real Madrid ayaa labo jeer oo xariir ah horey u qaaday 1984/85 iyo 1985/86.
Kaalinta 4-aad dhanka hanashada tartankan waxaa ku jiraan kooxaha reer Jarmal oo iyagana ku guuleesteen 6-jeer sidoo naadiyada reer Holland iyagana 4-jeer ayay qaadeen halka kooxaha reer Portugal iyagana labo jeer ayay ku guuleesteen inkastoo laga qaaday 5-jeer, guud ahaan hoos kaga bogi isbadalka ku yimid sida loo kala qaadis badan yahay tartanka UEFA/Europa League dalalka Yurub:
Italy – 9 (6-jeer waa laga qaaday): Kooxaha ku guuleesteen: Juventus (1977, 1990, 1993), Inter Milan (1991, 1994, 1998), Parma (1995, 1999), Napoli (1989)
Spain – 8 (5-jeer waa laga qaaday): Kooxaha ku guuleesteen: Sevilla (2006, 2007, 2014), Atletico Madrid (2010, 2012), Real Madrid (1985, 1986), Valencia (2004)
England – 7 (5-jeer waa laga qaaday): Kooxaha ku guuleesteen: Liverpool (1973, 1976, 2001), Tottenham (1972, 1984), Ipswich Town (1981), Chelsea (2013)
Germany – 6 (8-jeer waalaga qaaday): Kooxaha ku guuleesteen: Borussia Mönchengladbach (1975, 1979), Eintracht Frankfurt (1980), Bayer Leverkusen (1988), Bayern Munich (1996), Schalke 04 (1997)
Netherlands – 4 (2-jeer waa laga qaaday): Kooxaha ku guuleesteen: Feyenoord (1974, 2002), PSV Eindhoven (1978), Ajax (1992)
Portugal – 2 (5-jeer waa laga qaaday): Kooxaha ku guuleesteen: FC Porto (2003, 2011)