Sida ay tilmaameen warar xili hore saakay kasoo baxay gudaha dalka Talyaaniga Tababarahii Milan Celerence Seedorf ayaa shaqada laga raacdeeyay iyadoo kooxda ay magacowda macalin cusub Filippo Inzaghi ayaana loo magacaabay macalinka cusub ee kooxda Sansiro ku ciyaarta.
Seed0rf ayaa kaliya afar bilood maamulkeeda hayay kooxda Milan markii uu shaqada ka badalay Allegri oo la ceyriyay horaantii sanadkaan waxaana soo afjarmay heshiis laba sano iyo bar ahaa oo uu kooxda la galay.
Seedorf oo 38-jir ah ayaa kusoo qarash gareeyay Sansiro 10-sanadood waqtigiisii kubada cagta, milkiilaha Milan Berlusconi ayaa la kulmay ku xigeenkiisa Galliani habeenkii isniinta ah halkaas oo ay ku gaareen go’aanka banaanka looga saarayo kooxda Seedorf isla markaana gacanta loo galinayo weeraryahankii hore Milan Inzaghi kaas oo haatan macalin u ahaa da’yarta kooxda.
Dhanka kale Halyeeygii hore kooxaha Real Madrid, Chelsea, PSG iyo Xulka Faransiiska Claude Makelele ayaa noqday macalinka kali ah ee madow ah ee leyliya koox ka mid ah kooxaha ka ciyaara horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub.
Claude Makelele ayaa loo dhiibay xilka kooxda Bastia sabtidii lasoo dhaafay.
Milan oo ka mid ah kooxaha ugu sumcada badan yurub isla markaana taariikh ku leh Champions League ayaan kasoo qeyb gali doonin tartamada yurub iyadoo kaliya ciyaari doonta horyaalka Talyaaniga.