Arsenal ayaa durba sameysay dhaqaaq layaab leh markii ay dalab u dirtay kabtanka xulka Costa Rica iyo xidiga Fulham Bryan Ruiz kaas oo qaab amaah ah ugu soo ciyaaray xili ciyaareedkii ugu dambeeyay kooxda PSV.
28-jirkaan ayaa kooxda Fulham kaga soo biiray kooxda reer Holland ee FC Twenty sanadii 2011, inkatoo xidigaan uusan qorshaha ugu jirin inuu ka ciyaaro horyaalka heerka labaad madama ay Fulham heerka labaad u laabatay.
Macalin Arsene Wenger ayaa doonaya inuu si fudud kusoo qaato kabtanka Costa Rica oo haatan ka mid ah xulka Costa Rica ee wacdaraha kadhigaya koobka Aduunka.
Sida ay sheegeyso Dialy Express Arsenal ayaa dooneysa Sunderland oo iyana dhinac ka dooneysa kaga adkaato saxiixa xidigaan heerka caalami.
Profile