Macalinka naadiga Man City Manuel Pelligrini ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in daafaciisa waaya araga ah uu safan doono kulanka axada kooxdan martigalin doonto naadiga Man United, inkastoo Vincent Kompany dhaawanahay dhaawac dhanka muruqa ah ayuu la halgamaayay balse si lama filaan ah ayuu usoo kabtay wuxuuna macalin Pelligrini sheegay in kulanka Manchester Derby uu kusoo bilaabi doono wuxuuna yiri “Kompany kulanka Man United wuxuu ka mid noqon doonaa xidigaha aan kusoo bilaabi doono madaama uu si wanaagsan usoo kabtan waxaana ku faraxsanahay in xili muhiim ah uu kooxda dib ugu soo laabtay”
Man City kulankeedii ugu dambeeyay Premiership-ka waxay 0-0 la dhaafi weesay naadiga Man City haatana waxaa saaran cadaadis xoogan macalin Pelligrini inuu kooxda Man United ka badiyo waayo tababarahan weli masoo bandhigin shax wanaagsan Premiership-ka sida darteed kulankan ayuu ka dhawaajiyay inuu yahya fursad uu taageerayaasha City ku kasban karo wuxuuna yiri “qof walbo wuu ka warqabaa in Premiership-ka uu yahay horyaal aad u adag sidaa darteed koox walbo lama dhayilsan karo hadii aan United ka badino niyad dhis weyn ayay inoo noqon doontaa sidoo kalena taageerayaasheena farxad ayay dareemi doonaan”