Inkastoo Juventus todobaadkii hore ay ku guuleesatay Serie A-da Talyaaniga hadana caawo fiidkii waxay kulan adag la cayaari doontaa kooxda AS Roma oo ay si weyn xifaaltamaan sidoo kalena xili cayaareedkan laf dhuun gashay ku noqotay, macalin Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday xidigaha uu caawo ula soo safray caasimada dalka Talyaaniga waxaana xusid mudan in macalnkan waaya araga ah uu magaalada Turin uga soo tagay xidigaha kala ah Arturo Vidal, Sebastian Giovinco iyo Mirko Vucinic waxayna qabaan dhaawacyo kala duwan sidaa darteed kulanka Roma ma safan doonaan, inkastoo Vidal qaliin lagu sameeyya sidoo kalena uu mudo bil ah garoomada ka maqnaan doono hadana Giovinco isaga jug dhanka cajarka kasoo gaartay ayaa u diiday inuu kulankan adag safto sidoo kalena Vucnic oo horey Roma ugu cayaari jiray isagana jug ayuu dhanka jilibka ah ka qabaa.
Claudio Marchisio isagana cagta ayuu ka dhaawacan yahay balse liiska ayuu macalin Cote ku darsaday sidaa darteed xidigan shaki ayaa ku jiro inuu kulanka Roma safan karo, kooxda Juve oo ku rajo weyn inay dhigeeda Roma ka badiso ayaa kulankan u magacaawday xidigo awood badan inkastoo horyaalka ay ku guuleesteen hadana waxay doonayaan inay caasimada guul kal soo laabtaan waxaana Juve kulankan u matali doonaan xidigaha kala ah:
Buffon, Chiellini, Caceres, Ogbonna, Pogba, Pepe, Marchisio, Tevez, Giovinco, Peluso, Llorente, Barzagli, Osvaldo, Bonucci, Padoin, Pirlo, Asamoah, Lichtsteiner, Quagliarella, Storari, Isla, Rubinho.