Tababaraha Kooxda Borrusia Dortmund Jurgen Klopp ayaa sheegay inuusan xiiseyneynin shaqada kooxda Man United xili David Moyes laga ceyriyay isla markaana liiska tababarayaasha suuragalka ah iney ka badalaan shaqada Man United lagu soo daray Jurgen Klopp.
David Moyes ayaa laga ceyriyay Shaqada Man United 10-bilood oo uu xilka hayay kadib markii uu xaalad xun u hogaamiyay koxda Old Trafford ku ciyaarta.
Si Kastaba Jurgen Klopp oo la hadlayay Guardian ayaa yiri:
Manchester United waa naadi weyn, isla markaana ay leeyihiin qoys talo wadaaga, sidoo kalana leh taageerayaal cajiib ah, aniga ahaan ma doonayo inaan qabto shaqada Mancehster United
Tababare Jurgen Klopp ayaa qandaraas cusub u saxiixay Dortmund bishii October ee kal hore isagoo la sii joogi doona ilaa 2018-ka.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana Man United waxaa liiska sidoo kale ugu jira Louis Van Gaal, Jose Mourinho, Diego Simene kuwaas oo ah tababarayaal caan ah.
Inkastoo Van Gaal lagu waday inuu Sherwood ka badalo xilka Tottenham hadana arinta Man United ayaa si weyn loola xiriirinayaa.