Kubad sameeyaha xulka Spain Juan Mata ayaa aad ugu faraxsan in mar labaad lo doortay laacibka kooxda Man United ugu wanaagsan waxayna taageerayaasha United u doorteen Mata inuu ahaa xidigii ugu wanaagsanaa naadiga ku cayaarto garoonka Old Trafford bishii April ee aan kasoo gudubnay sidoo kalena laacibkan bishii Febraayo ayuu isla abaal marintan oo kale ku guuleestay, Mata oo la hadlaayay MUTV wuxuu yiri “aadban ugu faraxsanahay in taageerayaasha Uniteday ii doorteen xidigii ugu wanaagsanaa kooxda bishii April tani waxay muujinee in garoonka Od Trafford si wadajir ah la iiga aqbalay waxaana rajeynaa inaan wax badan kooxdeyda u qabto mustaqbalka dhow”
26-jirkan oo ay Man United bilawgii sanadkan £37.5m kaga soo iibsatay kooxda Chelsea ayaa wacdaro xoog leh dhigay bishii April ee dhawaan dhamaatay wuxuuna kooxdiisa Premiership-ka u dhaliyay 4-gool sidoo kalena 1-kubad ayuu dhiibay asigoo saftay 4-kulan sidaa darteed ma jirin cayaaryahan sidaa darteed xidigan tayada wanaagsan si buuxdo ayuu haatan kalsoonida taageerayaasha Man United ku kasbaday wuxuuna ugu baaqay inay dul qaad muujiyaan “waan hubaa in xagaagan kooxda xidigo tayo wanaagsan lagu soo biirin doono sidaa darteed aadban idin kugu baahanahay waxaana hubaa inaan sanadka dambe idinka farxin doono waana mahad santihiin”