Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho “xidigaha Chelsea Waa Ukumo Yar Yar Oo Aad U Qurux Badan!”…

Jose Mourinho “xidigaha Chelsea Waa Ukumo Yar Yar Oo Aad U Qurux Badan!”…


Mourinho

Macalin Jose waxaan ka wada warqabnaa mudo 6-sano kadib inuu dib ugu soo laabtay garoonka Stamford Bridge, tababarahan waaya araga ah oo kooxdiisa Chelsea u diyaarinaayay kulanka adag oo ay la cayaari doonaan naadiga FC Basel kana tirsan koobka horyaalada Yurub ayaa amaan balaaran kala dul dhacay xidigahiisa dhalinta yar wuxuuna Jose ka dhawaajiyay in laacibiinta Blues haatan ku sugan inta badan ay yihiin kuwo aad u dhalin yar una baahan in wada saxda ah lagu hago taasi oo sababi karto mustaqbal dhow Chelsea inay noqoto kooxda Yurub ugu awooda badan, asigoo ka dajinaayo cadaadiska xidigahiisa wuxuu yiri “xidigaha Chelsea waa ukumo yar yar oo aad u qurux badan waxay u baahan yihiin inay hooyadood ka taxadirto oo ah huuriso marka ay dilaacaana aabaha iyo hooyada bar baariyaan si tartiib ah qoraxda loo  baro kadib waxay noqon doonaan kuwo aduunka ugu wanaagsan!”

Chelsea xili cayaareedkii hore koobka horyaalada Yurub wareegiisa hore ayay ku hartay waxayna noqotay kooxdii ugu horeesay oo guruubka ku harto ayadoo difaacaneyso tartankan balse Jose Mourinho ayaa aaminsan in qaladkaas oo kale uusan markale dhici doonin wuxuuna yiri “xidigaha dhalinta yar ee aan macalinka u yahay waayo kuwo aan la hor istaagi karin hadafkoodana uu yahay inay koobkan kaalimihiisa ugu dambeeyo soo gaaraan sidaa darteed iguma jirto wax cabsi ah inaan markale wareega hore ku hari doono!”


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close