Tababaraha reer Portugal ee leyliya kooxda Chelsea ayaa ka hadlay qaab ciyaareedka cusub ee macalinka xulka England Roy Hodgson uu ciyaaray kulankii ay guuldarada kala kulmeen Italy ee ka tirsanaa furitaanka groupka D.
Wayne Rooney ayaa kazoo muuqday weerarka bidix xili Raheem Sterling uu ciyaarsiiyay booska 10-aad ee ka dambeeya weerarka xulka.
Jose ayaa ku dooday in Wayne uu xirfad ahaan u leeyahay booska dhexe isla markaana uusan qaabkiisa ugu fiican ku muujin Karin garabaha midig iyo bidix taasna waxey sii cusleysay cadaadiska saaran xidigaan lagu sheegay inuusan wax u qaban Karin xulkiisa.
“Waxaan filayaa in booska Rooney ugu fican uu yahay midka 10-aad” Ayuu Mourinho ku sheegay wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu ka bixiyay koobka Aduunka.
“Waxey aheyd guuldaro jilicsan, Wayne sooma bandhigin waxqabadkii laga filayay taasna Hodgson ayaa sabab u ah” Ayuu Jose mar kale yiri.
“England waxey u ciyaartay si wanaagsan, balse waxey wanagsanan laheyd in Rooney uu dheelo booska uu dabiici ahaan u leeyahay taas oo wax badan caawin laheed xulka England”
“Wuxuu caawiyay gool balse ma aheyn mid kaliya laga filayay inuu taas sameeyo, taasna waxaa ugu wacan booska cusub” Ayuu Mourinho ku difaacay Wayne Rooney
“Ka Fikir ahaan waxaan Hodgson u sheegi lahaa in kulanka Uruguay uu Rooney ciyaarsiiyo booskiisa 10-aad si loo arko inuu yahay xidig qaran iyo in kale”.
Dhanka kale Jose Mourinho ayaa guulo u rajeeyay wiilashiisa Blues ee koobka Aduunka kuwaas oo qaarkoo dhabar jab la kulmay madama Azpelicueta uu xasuuq kala kulmay Holland.