Home » Europe » Europe League » Javier Zanetti Oo Ka Hadlay Rajada Uu Ka Qabo Inuu Soo Laabto & Macalinka Walter Mazzari

Javier Zanetti Oo Ka Hadlay Rajada Uu Ka Qabo Inuu Soo Laabto & Macalinka Walter Mazzari


Zanetti: I knew how good Mazzarri was

Halyeeyga Kooxda Inter Milan  Javier Zanetti ayaa rajo wanaagsan ka qaba inuu dhawaan soo galo garoomada xili wiilkaan uu sugi la’yahay inuu mar uun xirto maaliyada Inter Milan mar kale kadib dhaawac muddo dheer oo uu ku maqna xidigaan reer Argentina.

 Javier Zanetti ayaa aaminsan in Kooxda Inter Milan ay door muhiim ah ka ciyaari doonto horyaalka haatan socda iyadoo laga warqabo sida ay u gaabisay horyaalkii dhamaaday ee xili ciyaareedkii hore.

“Lama Yaabi doono awooda Mazzarri,  waana ka war qabay howsha sugeysa” ayuu Javier Zanetti ku waramay.

“Qof Walba ayaa ogaan kara mudada yar oo uu joogay iyo hormarka uu sameeyay xitaa [Rafael Benitez ma uusan sameyn dadaalkaas] ayuu yiri Javier Zanetti.

“Guuldaro xanuun badan ayaa naga soo gaartay Roma, waana wax iska caadi ah” ayuu yiri mar kale Javier Zanetti.

Ugu dambeyntii Kabtanka Kooxda Inter Milan ayaa rajo wanaagsan ka qaba inuu yimaado ka hor bisha January madama uu dhaawaac mudo dheer la dagay xili uusan hal kulan safan xili ciyaaredkaan, wuxuuna ku booriyay wiilasha Inter iney mar walba isku dayaan iney sameeyaan hormar hor leh.

“Waan wanaagsanahay, waxaana marayaa tijaabadii ugu dambeysay ee dhaawaceyga, Waxaan rajeynayaa inaan soo kabsado oo aan dhawaan soo laabto”

Inter Milan ayaa haatan jiifta kaalinta 4-aad ee horyaalka xili ay dharbaaxo kulul kala kulantay kulankii ugu dambeeyay Hogaamiyayaasya As Roma.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close