Naadiga kooxda Bayern Munich ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in xidigeeda khadka dhexe ka cayaaro Javier Martinez qaliin looga sameeyay dhanka gumaarka wuxuuna haatan xidigan garoomada ka maqnaan doonaa mudo bil ah, tani ayaa ka dhigan in Munich dhibaatada dhanka dhaawacyada heesto ay kusii baahayaan waayo horey waxaa kooxdan dhaawacyo kala duwan uga maqnaayeen xidigaha kala ah hiago Alcantara, Bastian Schweinsteiger iyo Mario Gotze balse Martinez dhaawaciisa cusub waxaa aad uga naxay macalin Pep Guadrdiola oo dhawaan sheegay in Javi uu muhiim u yahay qorshahiisa cayaareed.
25-jirkan dhaawacan wuxuu soo gaaray kulan saaxiibtinimo oo ay xulka Spain la cayaareen xulka Ecuador bartamihii bishii hore balse todobaadyadii ugu dambeesay dhaawacan ayuu la ildarnaa waxayna ugu dambeyntii dhaqaatiirta Bayern soo jeediyeen in Martinez gumaarka laga qalo si xal loogu helo dhibaatada afeesay, kadib markii qalinkiisa lagu guuleestay Bayern ayaa si rasmi ah u baahisay in xidigan uu garoomada ka maqnaan doono 4-todobaad ee nagu soo fool leh, dhankakale agaasimaha kooxda Bayern Munich Matthias Sammer ayaa ku dhaliilay xulka qaranka Spain dhaawaca soo gaaray Martinez wuxuuna masuulkan ka dhawaajiyay in safarkii dheeraa ee uu Martinez ku aaday dalka Ecuador uu sabab u yahay dhaawacan halista ah.