Home » Horyaalada » Bundesliga » Jarmalka Oo Kaalinta 1-aad Kaga Soo Baxeen Group G Kadib Markii Muller Uu Ka Naxsaday USA

Jarmalka Oo Kaalinta 1-aad Kaga Soo Baxeen Group G Kadib Markii Muller Uu Ka Naxsaday USA


Muller


Xulka Jarmalka ayaa kaalinta 1-aad uga soo baxeen qaybta G kadib markii 1-0 ku suul dareen xulka USA kulankan dhiba badnaa sidoo kalena cimilo ahaan aan wanaagsaneyn waxaa haka gool dhaliyay Thomas Muller oo kusoo baxay xidiga ay xulka Jarmalka marwalo gool ka sugaan.

Kulankan xiisaha badnaa labadan xul si qaboow ayay ku bilaabeen madaama garoonka uu roob ku daayay balse xidigaha xulka Jarmalka ayaa inta badan kubada heesteen waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 0-0, markii la isku soo laabtay xulka Jarmalka ayaa dar dar lasoo galeen kulankan waxana goolkii ay u baahnaayeen u dhaliyay Thomas Muller daqiiqadii 55-aad waxaana u suura gali weesay xulka USA inay goolkan iska soo gudaan inkastoo daqiiqadii ugu dambeeyay kulankan ay Mareekanka haleen fursado qaali ah ugu dambeyntii kulankan ayaa kusoo idlaaday 1-0.

Thomas Muller gives USA the lead

Natiijadan ayaa ka dhigan in xulka Jarmalka ay kaalinta 1-aad kusoo baxeen sidoo kale USA iyagana labaad ayay kusoo baxeen madaama xulka Ghana laga badiyay inkastoo Portugal ay badiyeen hadana xulka Portugal farqiga goolasha ayay ku hareen.

Xafiiska Shabakadda Hiilkubad (South Afrika)

Xasan Nuur Cali (Xasan Alonso)

Close