Xulalka Japan iyo Greece ayaa isku garab dhacay iyadoo taasi ay fududeysay in Colombia oo Ivory Coast ka badisay kulankeedii labaad ay si toos ah usoo aado wareega 16-ka ee tartanka inkastoo wali ay madaxa iskula jiraan sadexda wadan ee kale kuwaas oo mid walba ay hami ka leedahay iney soo baxaan wareaga xiga.
Marka aan usoo laabano ciyaartii dhexmartay Japan iyo Greece waxba waa la iska qaadi wayay midkoodna uma suuro galin inuu shabaqa soo taabto.
Kubad sameeyaha dhanka dhexe ee xulka Greece Katsouranis ayaa laga saaray garoonka madama uu helay jaalihiisii labaad ee garoonka.
Goolhayaha Japan Kawashima ayaa sameeyay badbaadooyin xoog leh isagoo xulkiisa ka badbaadiyay guuldaro kasoo gaartay Greece.
Japan ayaa fursadii ugu qaalisaneyd heshay markii Kagawa uu caawiyay Uchida balse Osako ayaa meel cidla ah ka helay balse kama uusan faa’ideysan.