Home » Maxaa Cusub » James Milner Oo Lala Xiriirinayo Kooxaha Arsenal & Liverpool

James Milner Oo Lala Xiriirinayo Kooxaha Arsenal & Liverpool


Milner

Xidiga garabka kaga ciyaara kooxda Manchester City iyo Xulka Ingiriiska James Milner ayaa doonaya inuu isaga dhaqaaqo Etihad Stadium xagaaga soo aadan sida ay ku warantay Mirror Football.

Xidigaan reer England ayaa noqon waayay safka hore ee kooxda waxaana booskiisii dagay wiilasha aan kala dhicin ee Samir Nasri iyo Jesus Nevas.

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaana si ba’an loola xiriirinayaa xidigaan reer England, balse Mirror oo xiganeysa Guardian ayaa isku raacay in Gunners ay ku gacan sareyso loolanka loogu jiro xidigaan orodka badan.

28-jirkaan ayaa ka mid ah liiska xidigaha xulka England ee koobka Aduunka, waxaana la filayaa inuu qaado talabo uu ku hormarinayo kubadiisa madama kooxaha Reds iyo Gunners uu boos ka heli karo.

Goolhaye Joe Hart kaliya ayaana ku hari doona ciyaartoyda Ingiriiska ah ee Manchester City hadii Milner iyo Micah Richards ay isaga tagaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close