Daafaca garabka bidix ee kooxda Man United Patrice Evra ataa codkiisa xidiga ugu wanaagsan Premiership-ka England ugu deeqay Luis Suarez oo ka mid ah musharaxiinta abaal marinta xidiga sanadka, inkastoo la wada og yahay in dhibaato xoog leh ay horey u dhex martay Evra iyo Suarez hadana daafaca reer France dhamaan xumaantaas oo idil wuu iska iloobay wuxuuna codkiisa u hibeeyay Suarez asigoo ku tilmaamay inuu yahay laacibka ugu wanaagsan xili cayaareedkan Premiership-ka England hadaba Evra oo arintaan ka hadlaayo wuxuu yiri “Suarez waa xidig aad u wanaagsan wuxuuna u qalmaa abaal marinta PFA sidoo kalena codkeyga isaga ayaan siiyay sanadkan!”
Suarez ayaa horey lagu eedeeyay inuu Evra faquuq ku sameeyay waxaana markaas la ganaaxay 8-kulan iyo £40,000 sidoo kale markii uu Suarez soo dhameestay ganaaxiisa wuxuu diiday inuu Evra gacan qaado ama salaamo inkastoo xiriirka labadan shaqsi uu geeray heer ay isla hadli waayaan hadana Evra oo ka mid ah xirfadlayaasha Premiership-ka England ku sugan xaqna u leh inuu u codeeyo 6-xidig ee u sharaxan laacibka sanadkan ayaa doortay inuu Suarez codkiisa siiyo tani waxaa hubaal ah in Evra uu amaan badan ku muteesan doono balse aqbaartan ma jecleesan doonaan taageerayaasha Man United oo aan marnaba la maqalsiin Karin hormarka Suarez iskama dhaaf in laacib Man United ka tirsan inuu codkiisa siiyo! Abaal marinta PFA ayaa la bixin doonaa 27-ka bishan waxaana Suarez kula tartami doonaan xidigaha kala ah Steven Gerrard, Daniel Sturridge, Eden Hazard, Yaya Toure iyo Adam Lallana.