Kooxda ka dhisan wadanka talyaanig aayaa talaabo weyn u qaadeysa soo xero galina weeraryahanka kooxda Blues Fernando Torrres kadib markii madaxweynaha kooxda Erick Thohir uu shaaca ka qaaday inuu u duuli doono magaalada London kadib Koobka Aduunka si uu kooxda Chelsea kagala hadlo arinta xidigaan sida ay shaacisay Football Direct News.
Narriazzurri ayaa u dhaqaaqeysa Torres xili ay dooneyso iney dhisto koox weyn xili ciyaareedka soo socda waxeyna ku tala jiraan iney keenaan weeraryahan bah wadaag la noqda Rodrigo Palacio.
Rodrigo Palacio ayaa haatan ah kaliya weeraryanka ku haray kooxda Inter Milan madama Diego Milito uu kooxda ka tagay, balse Thohir oo ah madaxweynaha Inter ayaa sidoo kale doonaya inuu kooxda kusoo biiryo midkood Edin Dzeko, Alvero Negredo iyo Roberto Soldado oo dhamaantood Premier League ka wada ciyaara.
Si kastaba Thohir ayaa ku warmaay inuu xooga saari doono arinta Fernando Torres kaas oo aan wax saameyn ah ku laheen kooxda Blues walow Jose Mourinho uu goor sii horeysay sheegay in Torres uu ku jiro qorshihiisa xili ciyaareedka soo aadan.
Torres ayaa murugeysan tan iyo 2011 markaas oo uu Liverpool ka yimid inkastoo kooxdiisa uu la qaaday Champions League hadana ma ahan Torres-kii la yaqaanay.
Ma Kula Tahay In Torres uu isaga tago Chelsea?