Liverpool ayaa dhibaato ku qabta ganaaxa weeraryahanka reer Uruguay Luis Suarez ay duldhigeen xiriirka FIFA kadib markii garka loo galiyay ganaax afar bilood ah oo uusan garoomada soo gali doonin sidoo kalana waxaa la duldhigtay ganaax 9-kulan oo heer caalami ah oo ka bilaaban doonta kulanka ugu soo horeeya koobka Aduunka.
27-jirkaan heerka caalami ayaa la xaqiijiyay inuusan ka qeyb qaadan doonin kulamada haray ee koobka Aduunka, balse Liverpool ayaa la xanuunsaneysa ganaxa xidigaan waana xili ciyaareedkii labaad oo xiriir ah oo uu bilowgiisa ganaax ku seego.
Hadii Liverpool aysan iska iibin Suarez isla markaana uu kasii mid ahaado wuxuu weyn doonaa kulamo culus oo laga xusi karo: Difaacdayaasha Horyaalka Manchester City, la xifaaltamayaasha gobolka Mereyside Everton iyo kooxda Tottenham Hotspur.
Waa Qaniinyadii Sadexaad wuxuuna ganaax ku seegay dhamaadkii horyaalkii 2012/2013 iyo bilowgii horyaalkii 2013/2014..
Kulamada Uu Liverpool Ka Maqnaan doono Horyaalka:
August
Liverpool v Southampton
Manchester City v Liverpool
Tottenham v Liverpool
September
Liverpool v Aston Villa
West Ham v Liverpool
Liverpool v Everton
October
Liverpool v West Brom
QPR v Liverpool
Liverpool v Hull
Sidoo kale madama Kooxda Reds ay ka qeyb galeyso Champions League oo aan isku aadkiisa la sameynin wuxuu ka maqnaan doonaa Afar kulan oo kulamada Groupka ah iyo Laba wareeg oo koobka League Cupka Ah taasoo ka dhigan inuu seegi doono 15-kulan.
Liverpool ayaana shaaca ka qaaday ineysan wax eray ah ka oran doonin ganaaxa ay gudiga anshaxa xiriirka FIFA kusoo rogeen xidigooda Suarez.
Profile