Goalhayaha Real Madrid Iker Casillas ayaa ku hanjabay inuu isaga tagi doono Real Madrid bisha Janaayo hadii aan la siin waqitigiisa goalha Real Madrid isla markaana booskiisa aan la ciyarsiin, xili ay jiraan kooxo dhowr ah oo doonaya xidigaan heerka caalami.
Goalhayahaan ayaa kaliya dheelay hal kulan oo buuxa xili ciyaaredkaan, walina kuma soo laaban booskiisa Madrid tan iyo markii Mourinho uu dalbaday Diego Lopez mar uu dhaawac soo gaaray xidigaan reer Spain xili ciyaaredkii hore.
“Hadii xaaladaan ay isku badali weyso sadex bilood gudahood waxaan go’aansan doonaa inaan isaga tago naadiga” ayuu yiri Casillas.
Macalinkii hore Madrid Jose Mourinho ayaa door biday Lopez xitaa markii uu dhaawaca kasoo toosay xidigaan, waxaase taa uga sii darnaatay markii macalinka cusub ee Carlo Angelotti uu isna aaminsay Lopez.
Iker ayaa ciyaaray kaliya 105-daqiiqo xili ciyaaredkaan waana kulamada Champions League oo kaliya.
“Waxaan go’aansaday inaan iska baxo September waxaana ogeysiiyay madaxweynaha kooxda balse marki dambe waxaan iska go’ansaday inaan nadiga u ciyaaro mudo badan” ayuu yiri Casillas.
“Mar walba waan jeclahay inaan u ciyaaro Real Madrid balse sidoo kale waxaan jeclahay inaan ahaado dooqa koowaad”
32-jirkaan heerka caalami ee xulka spain ayaa xaadir ku ahaa Madrid tan 1999-kii wuxuuna naadiga kula guuleystay 2- Champions League iyo 5-horyaal.
Wuxuu qaaday Koobka Aduunka 2010 isagoo kabtan u ah Spain sidoo kalana wuxuu qaaday koobki qaramada yurub 2012.