Horyaalka Ingiriiska ayaa galabta lasoo xiray kadib 760-kulan oo la ciyaaray waxaana galabta kasoo baxay natiijooyin horay loo sii saadalinayay ka hor bilawga ciyaarta, Manchester City ayaana kor u qaaday koobka horyaalka Ingiriiska markii labaad mudo sadex sano gudaheed ah.
Si Kastaba Liverpool ayaa dagaal weyn gashay xili ciyaareedkaan waxeyna mar kale kasoo muuqan doonaan Champions League afar sano kadib iyagoo ku dhameystay kaalinta labaad.
Siduu ku Dhamaaday Horyaalka Akhristayaasha Hanala Ogaadaane:
GUULEYSTAYAASHA:
Manchester City
TARTAMADA YURUB:
Champions League: Tartanka Horyaalada Yurub waxaa Ingiriiska u matali doona Afar Kooxood: Manchester City, Liverpool, Chelsea & Arsenal oo mari doonta heer isreeb-reeb ah.
Europa League: Tartanka Labaad ee Yurub ugu qiimaha badan waxaa Ingiriiska u matali doona Sadex Kooxood: Everton, Tottenham iyo Hull City oo ku heshay booskaan madama ay joogto Finalka Europe League.
Heerka Labaad:
Kooxaha Xili Ciyaaredka soo aadan aan kasoo muuqan doonin heerka koowaad waa sadex kooxood:
Norwich City
Fulham
Cardiff City
Gooldhalinta Horyaalka:
Weeraryahanka Xulka Uruguay Luis Alberto Suarez oo ka tirsan Kooxda Liverpool ayaa ku guuleystay 31-gool ayuuna dhaliyay.
Bye Bye Horyaalka Ingiriiska Xili Ciyaareedka 2013/2014
Waxaan Sugnaa Waa Xili Ciyaareedka 2014/2015 Oo Bilaaban Doona Kadib Koobka Aduunka kaas oo bilaha June iyo July ka dhici doona Dalka Brazil.