Home » Africa » Horyaalka Somalia » Heerka 1-aad » Horyaalka Heerka Koowaad Ee Soomaaliya Oo Dib Loo Dhigay, Waa Maxay Sababta?

Horyaalka Heerka Koowaad Ee Soomaaliya Oo Dib Loo Dhigay, Waa Maxay Sababta?

SFF-logo

waraaq kasoo baxday xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa lagu cadddeeyey in tartanka heerka kowaad ee Soomaaliya dib loo dhigay maadaama Xiddigaha kooxaha ay u amba baxayaan Tartanka Bariga Iyo Bartamaha Africa oo lagu wado inuu maalmaha soo socda ka bilowdo Dalka Kenya.

Nuqol kamid ah waraaqda ay xiriirka soo saareen oo soo gaartay xafiiska hiilkubad.com ee Magaalada Muqdisho ayaa u qornaa sida hoos ku qoran:

Ku: Dhammaan mas’uuliyiinta Kooxaha Heerka -aad

 

Date: 21/11/2013

 

U: La Socodsiin

 

- Tixraac Tartanka Horyaalada Bariga iyo Bartamaha Africa (CECAFA)

Naironi – Maarso 2013.

 

Haddaba, iyadoo laga amba qaadayo howlaha tartankaas, ayaa waxaa dhammaan mas’uuliyiinta kooxaha heerka 1-aad si xushmad iyo qadarin leh ula socodsiineynaa in tartanka horyaalka heerka 1-aad 2013 dib loo dhigay, maadaama ciyaartoyda kooxaha qaranka ay u amba baxayaan dalka Kenya, si ay ugu qeyb galaan tartanka CECAFE.

Sidaas darteed, waxaan mas’uuliyiinta kooxaha dib idin kaga soo gudbin doonaa hadduu Alle Yiraahdo dib u bilowga jadwalka tartanka.

 

la socosho wacan

 

Xasan M. Maxamuud

Ku- xigeenka Xoghayaha SFF 

 

 
Waxaa Aqrisay: (164)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>