Kooxda Man City ayaa loo caleemo saaray guuleestayaasha horyaalka England halka Liverpool ay ku qanacday kaalinta 2-aad sidoo kalena Chelsea 3-aad ayay ku dhameesatay kadib markii ay naadiga Cardif Citry 2-1 kaga guuleesatay waxaa intaas sii dheer in Arsenal iyadana ay xili cayaareedkan guul kusoo qatintay waxayna 2-0 ku suul daartay kooxda Norwich oo nasiib xumo heerka labaad u laabatay madaama guuldaradan ay u qasabtay in xili cayaareedka dambe aysa EPL sii cayaari doonin.
Geeska kale Man United ayaa gabi ahaanba sanadka dambe lagu arki doonin tartamada Yurub iskaba dhaaf Champion xitaa Europa League United ma cayaari doonto waxaana u diiday kooxda Tottenham oo 3-0 ku suuldaartay naadiga Aston Villa, macalin Giggs iyo wiilashiisa guuldaro ayay ka bad baadeen kulankii ay la cayaareen naadiga Southampton waxaana goolkii lagu lahaa kaso guday Juan Mata cayaartan waxayna kusoo idlaatay 1-1, hadaba guud ahaan hoos kaga bogo kulamadii 38-aad ee Premiership-ka England xili cayaareedkan 2013/14 oo si rasmi ah usoo gaba gaboobay:
Cardiff 1-2 Chelsea: Bellamy 15, Schürrle 72, Torres 75
Fulham 2-2 Crystal Palace: Woodrow 61, David 90+4, Gayle 28, 83
Hull 0-2 Everton: McCarthy 9, Lukaku 46
Liverpool 2-1 Newcastle : Škrtel 20 (og), Agger 63, Sturridge 65
Man. City 2-0 West Ham: Nasri 39, Kompany 49
Norwich 0-2 Arsenal: Ramsey 53, Jenkinson 62
Southampton 1-1 Man. United: Lambert 28, Juan Mata 54
Sunderland 1-3 Swansea: Dyer 7, Emnes 14, Borini 50, Bony 54
Tottenham 3-0 Aston Villa: Paulinho 14, Baker 35 (og), Adebayor 38 (P)
West Brom 1-2 Stoke: McAuley 22, Sessegnon 56, (og), Adam 87