Home » Falanqeynta » Hordhaca: West Ham vs Man City: Macalin Pellegerini Oo Tiigsadana Hogaanka Horyaalka

Hordhaca: West Ham vs Man City: Macalin Pellegerini Oo Tiigsadana Hogaanka Horyaalka


aguero

Manchester City ayaa dagaal u gali doonta rikoorka ugu muhiimsan ee laga gaaro kulamada Banaanka lagu soo ciyaaro marka ay Upton Park ku qaabilaan West Ham United.

Man City ayaa guul gaartay kaliya 3-kulan 11-kulan oo ay ciyaartay, waxeyna dooneysaa iney dib ugu soo laabato wadadii guusha xili kooxdaan ay fadhiyo kaalinta 5-aad ee horyaalka.

Man City ayaa tiigsan doonta fooqa sare ee horyaalka hadii ay guul ka gaarto West Ham isla markaana ay guuldaroyin la kulmaan hogamiyayasha Horyaalka Arsenal iyo Liverpool waxaana sidoo kale ay isha ku heyn doontaa kulanka United iyo Southampton iyo Kulanka Cardiff vs Chelsea.

City ayaa mahad u celineysa Toure iyo Aguero kuwaas oo dhaliyay min afar goal, sidoo kalana Alvaro Negredo ayaa dhaliyay sadex goal.

Toure ayaa caawiyay City kulamadeeda shan ka mid ah 7-da kulan ee ay ciyaartay, taasoo laga filayo inuu mar kale Man City ka caawiyo inuu West Ham garaaco.

Vincent Kompany iyo Martin Demichelis ayaa labadaba ka maqnaan doona kulankaan madama ay dhaawacyo qabaan.

Aleksandar Kolarov ayaa dib ugu soo laaban doona kulankaan kadib markii laga saaray ciyaartii Everton ee 3-1 ay ku garaacee bilowgii bishaan markii isha uu xanuun ka dareemay.

Man City ayaa guul ka gartay kaliya 1-kulan 12-kii kulan ee ugu dambeysay ee ay la yeelatay West Ham sidoo kalana guul ka gaartay Laba kulan.

West Ham United ayaa guul raaxo leh ka gaartay White Hart Line markii ay ku boqatay Tottenham 3-0 ayeyna ku garaacday kulankii ugu dambeeyay.

Macalinka Sam Allardyce ayaa yiri: “Horyaalka xiligaan waa la yaab, waxaan sameynay waxey noqden wax lala yaabo inaan mar kale ku celinana waa wax aan lala sii yaabi doonin”

Carlton Cole ayaa dib uga soo muuqan doona horyaalka, kadib kusoo biiritankiisi West Ham, kadib markii uu naadiga la galay heshiis sadex bilood ah.

James Collins ayaa dhaawac ka qaba muruqa, Sido kale Andy Carroll ayaa sidoo kale wali aan soo kabsan Alou Diarra ayaana isna maqnaan doona xili dheer.

Line Upka Macquulka Ah:

West Ham United: Jaaskelainen; Demel, Rat, Tomkins, Reid; Diame, Noble, Nolan, Downing, Morrsion; Vaz Te

Manchester City: Hart; Zabaleta, Kolarov, Nastasic, Lescott; Fernandinho, Milner, Yaya Toure, Silva; Negredo, Aguero

SAADAASHA LAGA BIXIYAY:

West Ham 0 – 2 Man City

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close