LA ISKUMA WAR HAAYO:
“Arsenal ayaa rajeyneysa iney ka baxdo abaarta koob la’aan ee heysata mudada badan, halka Hull City ay dooneyso iney ku guuleysato koobkii ugu horeeyay Ebid”
Kulan culus ayaa ka dhici doona garoonka Wembley ee magaalada London marka ay kulmaan kooxaha Arsenal iyo Hull City, Arsene Wenger ayaana doonaya inu soo afjaro koob la’aan heysatay mudo 9-sano ah.
Wiilasha Wenger ayaana gaaray shan guul oo xiriir ah kulamadii ugu dambeeyay horyaalka iyadoo ay ku jirto guushii raaxada aheyd ee ay ka gaareen Hull City markii ay 3-0 ku dhufteen, inkastoo ay qabsan karto sheekadii ka qabsatay Wigan markii ay ciyaarta gaartay Rigoore.
Balse Arsenal ayaa niyad sami joogta mar hadii ay diyaar yihiin: Aaron Ramsey, Wilshere & Mesut Ozil. Dhanka kale Hull City ayaa dooneysa iney hesho koobkeedii ugu horeeyay oo weyn iyadoo 5-3 kusoo qaarijisay kooxda Shiefield United kulankii Semi Finalka, inkastoo ay xaqiijisteen booskooda horyaalka hadana afartii kulan ayey guuldaro la kulmeen 5-tii kulan ee ugu dambeysay iyadoo 13gool laga dhaliyay.
HORDHACA KULANKA:
Kulanka: Arsenal vs Hull City
Garoonka: Wembley Stadium
Tartanka: Finalka FA Cupka
Saacadda: 7:00 Fiidnimo Xiliga Geeska Afrika
YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA?
Labadaba Vermalean iyo Chamberlain ayaa shaki la galinayaa safashada kulankaan, balse Gnabry iyo Miyaichi iyo Walcott wey seegayaan kulankaan.
Dhanka kale Hull City aya shaki galineysa safashada xidigaha Chester & Brady balse sidoo kale waxaa jira laba xidig oo maqnaan doona waana Shay Long iyo Jelavic oo ah labada weerarka u matasha kooxda.
MA OGTAHAY?
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Arsenal: Fabianski; Sagna, Mertesacker, Koscielny, Gibbs; Ramsey, Arteta; Ozil, Cazorla, Podolski; Giroud
Hull City: Harper; Bruce, Chester, Davies, Figueroa, Rosenior; Livermore, Huddlestone, Elmohamady; Boyd; Sagbo