Caawa Dalka Jarmalka waxaa ka dhici doona dagaalka ugu weyn madama labada kooxood ee ugu awooda badan Bundesliga ay is fara saari doonaan iyagoo ciyaari doona Finalka Koobka DFB Pokal. Kulanii ugu dambeeyay labadaan kooxood ay kulmeen Bayern Munich ayaa la kulantay guuldaro cawaaqib xumo ah markii 3-0 lagu xaaqay, balse xili ciyaareed baashaal ah ayey ku qaaday horyaalka kooxda Bayern.
Robert Lewandowski ayaa caawa ka hor imaanaya kooxda uu xili ciyaareedka dambe usoo safan doono waana kulankiisii ugu dambeeyay ee uu kooxda Dortmund u ciyaaro. Lewy ayaa dhaliyay horyaalka 20-gool inkastoo kooxdiisa ay markii labaad kaalinta labaad ku dhameysatay horyaalka.
Robert Lewy ayaa kursiga fadhiyay kulanii bishii lasoo dhaafay ay Dortmund Allianz Arena ku garaacday Bayern. Dhanka kale Guardiola ayaa ciyaari doona Finalkiisii labaad intuu uu haayay Bayern, madama uu finalkii koobka DFL Super Cup ka qaaday kooxda Dortmund 4-2 ayuuna ku garaacay.
YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA?
Bayern ayaa weyneysa Thiago Alcantara, Bastian Schweinsteiger, iyo Mario Mandzukic kuwaas oo dhaawacyo looga shaki qabo, sidoo kale Dortmund ayaa dib u heli doonta Marco Reus kaas oo maqnaa kulankii ugu dabeeyay horyaalka.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Bayern Munich: Manuel Neuer, David Alaba, Dante, Jerome Boateng, Rafinha, Mario Götze, Thomas Müller, Arjen Robben, Toni Kroos, Javi Martínez, Philipp Lahm
Borrusia Dortmund: Roman Weidenfeller, Marcel Schmelzer, Mats Hummels, Sokratis Papastatopoulos, Lukasz Piszczek, Milos Jojic, Sebastian Kehl, Marco Reus, Henrikh Mkhitaryan, Kevin Großkreutz, Robert Lewandowski