Home » Africa » Hordhaca Burundi vs Somalia: Wajiga Cusub Ee Xulka Ocean Stars & Line Upka Macquulka Ah

Hordhaca Burundi vs Somalia: Wajiga Cusub Ee Xulka Ocean Stars & Line Upka Macquulka Ah

DSC04631

Xulka Soomaaliya ayaa ku ciyaari doona Magaalada Machakos oo 60-Km u jirta Magalaada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya Garoonka ay ka dhici doona waa Kenyatta Stadium, 2:00 Duhurnimo Xiliga Geeska Africa ayaana la daawan doonaa

Xulka Soomaaliya ayaa galabta la ciyaari doona dhigooda Burundi kulan ka tirsan koobka Bariga iyo Bartamha Africa groupka B taasoo ka dhigan in labadaan xul ay ciyaari doonaan kulankoodii ugu horeeyay sanadkaan.

Maxamed Cabdulle Farayare ayaa hogaaminaya xulka Qaranka soomaaliya wuxuuna ka hortagi doonaa dhigiisa Dalka Burundi Lofty Naseem kaas oo u dhashay dalka Masar balse haaya xilka Burundi.

Burundi ayaa rikoor ka heysata xulka Soomaaliya Waxeyna ka adkaatay labadii sano ee ugu dambeysay ee ay isku arkaan Koobka Bariga iyo Bartamaha Africa.

Burundi ayaa 5-1 ku qaarijisay Soomaaliya kulan dhacay 25-11-2012 isla groupka B oo ay hada ku jiraan.

Burundi ayaa 4-1 ku garaacday Soomaaliya kulan dhacay 25-11-2011 isla groupka B oo ay hada ku jiraan.

Soomaaliya ayaa nasiib u yeelatay in sadexdii sano ee ugu dambeyso gasho groupka B iyadoo taas ay sii dheer tahay in Burundi aysan ka marneyn sadexdaas sano.

 

Line Upka Macquulka Ah Ee Xulka Soomaaliya:

Somalia:

Goolhaye: Maxamed Shariif,

Daafaca: Aadan Hussein Ibraahim “Eeney”, Mahad Mohamed Haji “Maicon”, Ahmed Tahliil Ali, Hassan Ali Roble “Babaay”

Khadka Dhexe: Sa’id Saalah Hussein “Sacad”, Daa’ud Abdullahi Hassan, Mohamed Abdi Hayow “Xaayow”

Weerarka: Kabtan Mohamed Nur Abdi “Shaarkey”, Jibril Hassan Mohamed “Fariid”, Saadaq Balotelli

 

Maxaad U Rajeyneysaa Soomaaliya Adigoo Muujinaya Dadnimadaada?
Waxaa Aqrisay: (389)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

3 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Hordhaca Burundi vs Somalia: Wajiga Cusub Ee Xulka Ocean Stars & Line Upka Macquulka Ah

  1. cumar cabdulle Reply

    November 28, 2013 at 10:38 AM

    aad ayad u mahadsantihiin dhamaan hiilkubad wlh sanadkaan waa sanadka aan ugu rajada wanaagsanahay waxaana u rajeynaa guul in sha allah

  2. saalim Reply

    November 28, 2013 at 12:42 PM

    somali waxaan u rajeynayaa iney guul ka gaari doonto dhikooda burindi

  3. Abdirahman Reply

    November 28, 2013 at 2:02 PM

    Halkeen ka daawadan karnaa cayaarta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>