Home » Falanqeynta » Hordhac: Man United vs Sunderland: RVP Oo Soo Laabtay & Wayne Rooney Oo Maqan

Hordhac: Man United vs Sunderland: RVP Oo Soo Laabtay & Wayne Rooney Oo Maqan



Manchester United ayaa kulankeedii labaad ciyaari doonta iyadoo uu majaraha u hayo tababaraha kumeel gaarka ah ee Ryan Giggs kaas oo kulankiisii ugu horeeyay soo bandhigay qidad cajiib ah iyo guul muhiim ah markii ay United 4- ku xaaqeen kooxda Norwich City.

Si Kastaba Man United ayaa ku beegmeysa Sunderland xili wiilasha macalin Poyet ay ku socdaan xaalaad aad u wanaagsan iyagoo kasoo baxay halka looga haro horyaalka kadib markii ay bisha April muujiyeen dadaal dheeri ah.

Manchester United ayaa dooneysa iney caawiso Ryan Giggs kaas oo markii ugu horeysay tababare noqdo waxaana la filayaa in galabta uu guushiisii labaad keeno.

OGEYSIISKA KULANKA:

Kulanka: Man United vs Sunderland

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 5:00 Galabnimo Xiliga geeska afrika.

YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA?

Rafael Da Silva ayaa wali dhaawac ah waxaana booskiisa gali doona Phill Jones, sidoo kale Rooney ayaa dhaawac uga baxay tababarkii Jimcihii ee kooxda, halka Robin Van Persie uu taam u yahay inuu wajaho Sunderland Galabta.

Dhanka kale Sunderland ayaan heli doonin xidigooda reer Korea Ki Sung-Yeung kaas oo laga yaabo inuu ciyaaro kulanka ugu dambee horyaalka, Steven Fletcher iyo Kieren Westwood ayaa iyaguna dhaawac mudo dheer ku maqnaanaya.

MA OGTAHAY:

Manchester United ayaan guuldaro kala kulmin Sunderland 12-kii kulan ee ugu dambeysay ee ay kula ciyaareen Old Trafford, 10-wey badiyeen 2-barbaro ayey galeen.

Wayne Rooney ayaa dhaliyay 3-gool, 5-tii kulan ee ugu dambeysay kooxda.

Adnan Januzaj ayaa u hogaamiyay Man United iney Sunderland ku garaacdo gurigooda kulankii hore ee xili ciyaareedkaan.

Connor Wickham ayaa dhaliyay 5-gool, sadexdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, isagoo ku guuleystay abaalmarinta xidiga bisha April ee horyaalka.

Connor Wickham ayaa ah xidigii ugu goolasha badnaa horyaalka bishii April.

Sunderland ayaa dhalisay gool 9-kulan, 10-kii kulan ee ugu dambeysay horyaalka

LINE UPKA MACQUULKA AH:

United: De Gea; Jones, Ferdinand, Vidic, Evra; Carrick, Cleverley; Mata, v. Persie, Valencia; Welbeck

Sunderland: Mannone; Vergini, Brown, O’Shea, Alonso; Cattermole, Colback, Larsson; Borini, Johnson, Wickham

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close