Home » Falanqeynta » Hordhac: Man United vs Hull City: Red Devils Oo Rajo Liidata Ka Leh Tartanka Europa League

Hordhac: Man United vs Hull City: Red Devils Oo Rajo Liidata Ka Leh Tartanka Europa League


utdvshul1

Manchester United ayaa caawa gurigeeda ku ciyaareysa kulankeedii ugu dambeeyay horyaalka Premier League xili ciyaareedkaan, iyadoo ku jirta xili ciyaareedkii ugu xumaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxeyna ka hor imaaneysaa kooxda dhaxaltooyada u qaadatay booskii Europe League ee ay Man United rajada weyn ka laheed.

Manchester United ayaa u baahan iney guul gaarto labada kulan ee ka haray horyaalka sidoo kalana iney guuldaro la kulanto kooxda Tottenham kulankeeda ugu dambeeya taasna waxey suuragal ka dhigi karta in United ay soo aado Europa League.

Man United ayaa 7-guuldaro ku heshay Old Trafford xili ciyaareedkaan, sidoo kalana 12guuldaro ayey heleen xili ciyaareedkaan, sidoo kalana 6-dii kulan ee ugu dambeeyay waxey guul heleen 3 halka 3-na ay guuldaro la kulmeen.

Tababare Steve Bruce ayaa ka fikiraya Finalka FA Cupk markaas oo ay Wembley ku wajahi doonaan Arsenal sidoo kalan waxaa laga yaabaa inuu keydka galiyo badi xidigha kooxda.

OGEYSIISKA KULANKA

Kulanka: Man United vs Hull City

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 10:00 Habeenimo

YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA?

Kooxda Martida loo yahay ayaan walwal ka qabin dhaawacyo badan iyadoo dib u heli doonta Wayne Rooney oo dhaawac kaga maqna kulamadii ugu dambeeyay, sidoo kale Hull City ayaa kaliya weyneysa Allan McGregor, Robbie Brady iyo Paul McShane kuwaas oo dhaawac mudo dheer ku maqnaa.

MA OGTAHAY

Manchester United ayaa guul ka gaartay Hull City shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalka Premier League iyadoo ka dhalisay 20-gool, sidoo kalana laga dhaliyay 6-gool.

Manchester United ayaa 7-guuldaro ka heshay horyaalka Premier League xili ciyaareedkaan, markii ugu dambeysay iney heerka labaad u laabatana waxey aheyd 1973-1974.

Hull City ayaa kaliya badisay 1-kulan, shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay banaanka kusoo ciyaartay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Manchester Utd: De Gea; Jones, Smalling, Vidic, Evra; Kagawa, Carrick, Cleverley; Welbeck, Mata, Van Persie

Hull City: Harper; Rosenior, Figueroa, Chester, Davies; Meyler, Huddlestone, Livermore, Elmohamady; Jelavic, Long


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close