Xulkii kaalinta labaad ka galay koobkii Aduunak ee lagu qabtay South Afrika 2010 ayaa caawa doonaya inuu tilaabo hormar leh u qaado Semi Finalka Koobka Aduunka iyagoo wajahaya xulka Costa Rica oo markii ugu horeysay soo gaaray heerkaan oo kale.
Louis Van Gaal ayaa doonaya inuu dhigo taariikh hor leh oo aan usoo marin dalka Holland kuwaas oo aan waligood ku guuleysan koobka Aduunka.
Costa Rica ayaa qudheeda dooneysa iney sameyso taariikh hor leh iyadoo dooneysa iney markeedii ugu horeysay soo gaarto Semi Finalka Koobka Aduunka.
WARBIXINTA KULANKA
Kulanka: Holland vs Costa Rica
Magaalada: Salvador
Garoonka: Arena Fonte Nova
Saacada: 11:00 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika
Garsooraha: Ravshan Irmatov (Uzbekistan)
MAXAA CUSUB?
Burburiyaha Milan Nigel De Jong ayaa ka maqnaan doona xulka Holland kaas oo xanuun dhanka muruqa ah awgiis looga saaray xulka Netherlands.
MA OGTAHAY?
⇒Netherlands waxey guul gaareen 10-kulan 11-kii kulan ee ugu dambeeyay waxeyna guuldaradaas kasoo gaartay Finalkii Koobka Aduunka 2010 markaas oo 1-0 ay kaga badiyeen Spain.
⇒ Costa Rica lagama adkaan afartii kulan ee ay horay usoo ciyaareen Koobka Aduunka (2barbardhac, 2-guul)
⇒ Costa Rica ayaa noqotay wadankii ugu horeeyay ee ka socda Waqooyiga Ameerika ee soo gaara Quater Finalka Koobka Aduunka tan iyo 2002 markaas oo ay mareykanka yimaadeen heerkaan oo kale.
⇒ Waa Kulankii ugu horeeyay ee labadaan xul dhexmara taariikhda
⇒ Todoba Ciyaariyahan oo kala duwan ayaa goolal u dhaliyay Holland Koobka Aduunka.
⇒ Netherland Waligeed guuldaro kala kulmin wadamada ka socda waqooyiga Ameerika, 1-jeer guul, 1-jeer bareejo labadaba Mexico ayey is arkeen.
⇒ Costa Rica hal kulan ayey xulalka yurub garaacday 7-kulan oo ay horay ula ciyaartay talyaaniga ayey 1-0 ku xaaqeen warega groupyada ee koobkaan (3-bareejo iyo 3-guuldaro ayey ka heysteen ka hor italy).
⇒ Wesley Sneijder ayaa dhaliyay 5-gool, shantii kulan ee ugu dambeysay wareega heerkaan oo kale ah koobka Aduunka.
⇒ Sneijder ayaa ciyaaray kulamo ka badan dhamaan xidigaha haatan ee xulka Holland kulamada koobka Aduunka isagoo kasoo muuqday 15-kulan.
⇒ Holland ayaa ku fashilantay iney shabaqeeda ilaashato 11-kii kulan ee ugu dambeyay heerarkaan oo kale waxaana ugu dambeysay 1994-tii.
⇒ Keylor Navas oo ka tirsan xulka Costa Rica ahna goolhayahooda ayaa badbaadiyay 14-kubadood tartankaan.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Profile