Home » Falanqeynta » Hordhac: Everton vs Man City: Hamiga Labada Koox Oo Midkood La Dili Doono Maanta

Hordhac: Everton vs Man City: Hamiga Labada Koox Oo Midkood La Dili Doono Maanta



Everton ayaa gurigeeda Goodison Park ku qaabili doonta kooxda Manchester City kulan ka tirsan horyaalka xili labada kooxood ay leeyihiin hami mid walba u gaar ah.

Culeeska ugu balaaran wuxuu saaran yahay Manchester City oo hami weyn ka leh hanashada horyaalka Ingiriiska inkastoo sadex dhibcood looga hayo hadana waxey heysataa kulan baaqi ah oo ay kusoo barbareyn karto kooxda hogaanka heysa ee Liverpool oo iyana isniinta la ciyaareysa Crystal Palace.

Dhanka kale Everton ayaa rajo ka qabta iney Arsenal kala baxdo booska Afaraad iyadoo ka hooseysa afar dhibcood balse wali waxey heysataa fursad inkastoo fursadooda ay dhiman doonto hadii ay Arsenal guul gaarto kulanka berito ay ciyaareyso xitaa hadii ay badiyaan.

Manchester City ayaana rajo ka qabta iney ku guuleysato horyaalka waxaana ka xiga ku guuleysiga horyaalka guulo ay gaarto sadexda kulan ee u dhiman.

YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA?

Tababare Robert Martinez ayaa ka dhawajiyay inuu kulanka maanta heli doono daaficiisa kabtanka ah ee Phill Jagielka kaas oo 11-kulan seegay, sidoo kalan Distin oo ka mid ah daafacyada ugu muhiimsan kooxda ayaa soo laaban doona.

Sidoo kale Steven Pienaar ayaa dib ugu soo labtay tababarka kooxda kadib mudo uu dhaawac ahaa. Darron Gibson, Arouna Kone, Lacina Troare iyo Bryan Oviedo ayaa dhaawac mudo dheer ku maqan.

Dhanka kale Manchester City David Silva, Jesus Navas iyo Matija Nastasic ayaa dhamaan seegi doona inkastoo Silva uu tababar qaatay hadana lama filayo inuu safto.

MA OGTAHAY:

Manchester City ayaa u safreysa Everton iyadoo kaliya hal guuldaro ka heshay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay labada kooxood.

Manuel Pellegrini wiilashiisa aya lumiyay 6-kulan oo ay la ciyaareen 10-ka koox ee ugu sareeya.

Manchester City ayaa kaliya hal jeer ku badisay Goodison Park tan iyo 1992-dii.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Everton: Howard; Coleman, Stones, Alcaraz, Baines; McCarthy, Osman; Naismith, Barkley, Deulofeu; Lukaku

Man City: Hart; Zabaleta, Kompany, Demichelis, Clichy; Milner, Toure, Fernandinho, Nasri; Dzeko, Aguero

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close