Home » Maxaa Cusub » Hordhac Argentina vs Belgium: Lionel Messi Oo Tiigsanaya Semi Finalkiisii Ugu Horeeyay Koobka Aduunka

Hordhac Argentina vs Belgium: Lionel Messi Oo Tiigsanaya Semi Finalkiisii Ugu Horeeyay Koobka Aduunka


Argentina-vs-Belgium-2014-Quarterfinal-World-Cup

Xulka Labada jeer heysta koobkaa ee Argentina ayaa doonaya caawa inuu qaado talaabo hormar leh kulanka ay caawa wajahayaan Belgiumka wareega quater finalka.

Argentina labadii tartan ee ugu dambeysay oo uu Lionel Messi qeybta ka ahaa waxey ku hareen quater finalka, 2006 iyo 2010 waxaa reebay xulka Jarmalka oo marna xasuuq u geystay marna rigoorayaal kaga soo baxay.

Lionel Messi oo ah kabtanka Argentina ayaa rajeynaya caawa inuu gaaro Semi Finalkiisii ugu horeeyay ebid koobka Aduunka xili Jamaahiirta Argentina ay filanayaan in Messi uu koobka Aduunka usoo xareeyo sida Maradona.

Dhanka kale Belgiumka ayaa dhigaya wacdaro saa’id ah isagoo si awood ah kaga soo baxay groupka uu hogaaminayay waxaana tababare u ah Wilmots oo ah halyeey hore oo reer Belgium ah.

Hazard iyo De Bruyne ayaa ah labada wiil ee hogaanka u haya xulka Belgiumka kuwaas oo wacdaro ka dhigay koobka Aduunka.


WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Argentina vs Belgium

Magaalada: Brasilia

Garoonka: Estadio Nacional

Saacada: 7:00 Fiidnimo Xiliga Geeska Afrika

Garsoore: Nicola Rizzolli [ITALY]


MAXAA CUSUB?

Xulka Argentina ayaa ciyaari doona la’aanta daafacooda Marcos Rojo kaas oo ganaax jaalayaal kaga maqnaan doona waxaana badali doona Jose Basantana.

Sergio Aguero ayaa wali maqan, inkastoo uu tababarka kusoo laabtay waxaase uu diyaar noqon karaa hadii ay Argentina usoo gudubto Semi Finalka.

Thomas Vermaelen ayaa diyaar ah kaas oo badali doona Vertonghen ama Buyten midkood.

Kabtan Vincent Kompany ayaa soo bogsooday inkastoo Dembele uu wali xanuu dareemayo

Su’aasha ugu weyn ee dhanka belgiumka ayaa ah xidiga kusoo bilaaban doona weerarkooda Lukaku iyo Origi.

Lukaku ayaa isbadal sameeyay kulankii Mareykanka isagoo gadaal kasoo galay kadib markii uu xulkiisa usoo gudbiyay wareegaan.

MA OGTAHAY?

⇒ Argentina shantii tartan ee ugu dambeysay afar ka mid ah waxey soo gaartay wareegaan quater finalka.

⇒ Belgiumka 12-jeer ayey kasoo qeyb galeen koobka Aduunka, waana markii labaad oo ay heerkaan soo gaaraan.

⇒ Markii ugu horeysay Belgiumka ay soo gaaraan wareegaan waxey aheyd 1986-dii markaas oo ay u gudbeen Semi Final balse Argentina oo xiligaas ku guuleystay koobka ayaa ku reebtay wareegaas.

⇒ Afar Jeer ayey horay u kulmeen labadaan xul,  sadex ka mid ah waxaa badiyay Argentina halka 1-jeerna ay badiyeen Belgium.

LINE UPKA MACAQUULKA AH:

Argentina (Possible, 4-3-1-2): Romero; Zabaleta, F Fernández, Garay, Basanta; Gago, Mascherano, Di Maria; Messi; Lavezzi, Higuaín.

Belgium (Possible, 4-3-3): Courtois; Alderweireld, Van Buyten, Kompany, Vertonghen; Witzel, De Bruyne, Fellaini; Mertens, Lukaku, E Hazard.

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close