Waxaa la oran karaa xulka Holland waxay mareen tijaabadii ugu adkeed balse wiilasha macalin Van Gaal ayaa imtixaankii dhibka badna ka gudbnee kadib markii ay 3-2 kaga awood roonaadeen dhigooda Australia waxaana markale goolal dhaliyeen labada xidig ee laga yaaban yahay RVP iyo Robin, kulankan xiisaha badan waxaa Holland hogaanka u dhiibay Arjen Robben daqiiqadii 20-aad balse durbadiiba waxaa cayaarta 1-1 ka dhigay daqiiqadii 21-aad Tim Cahill dabcan goolkan ayaa ka mid noqday kuwii gu quruxda badnaa ee tartankan laga dhaliyo wuxuuna dhaliyay kubad dhul ma dhacdo ah asigoo xaqriiqda Holland ku dhex jiro, waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-1.
Markii la isku soo laabtay xidigaha Australia ayaa fajac la imaadeen kadib markii ay hogaanka kala wareegeen xulka Holland waxaana cayaarta 2-1 ka dhigay M. Jedinak daqiiqadii 54-aad wuxuuna kabtanka Australia dhaliyay rigoore xulkan loo dhigay, xidigaha reer Holland ayaa hurdada ka kaceen waxaana u bar bar bareeyay xidiga marwalbo la isku haleen karo Van Persie oo cayaarta ka dhigay 2-2 58-aad wuxuuna muujiyay RVP inuu yahay kabtanka aysan Holland ka maarmin.
Kulankan oo isku badalay mid weerar iyo weerar celis ah ayaa waxaa fursad qaali ah iska qasaariyeen xidigaha Australia taasin waxay sababtay in isla markiida Holland hesho goolkii ay u baahneed waxaana u dhaliyay M. Depay daqiiqadii 68-aad waana goolkii ugu horeeyay oo uu xidigan xulkiisa Holland u dhaliyo, kulankii xiisaha badnaa wuxuu kusoo idlaaday 3-2 oo ay Holland guusha ku raacday, tani waxay ka dhigan tahay in Holland ay haatan leeyihiin 6-dhibcood waxayna qarka u saaran yihiin inay wareega 16-aad u gudbaan, geeska kale Australia ayaa gurigooda ayay iska aadi doonaan madaama labadii kulan ee ugu horeeyay laga badiyay wax yaalo malahan dalka Brazil kaliya waxay sugi doonaan kulanka sedexaad ee u harsan waxayna cayaar sharafeed la cayaari doonaan xulka Spain kadibna boorsadooda ayay xir xiran doonaan!