Bilowga Sanadka 2014 ayaa noqday mid murugo u ah dadyowga kubada cagta gaar ahaan dadka reer Portugal kuwaas oo waayay Halyeey usoo halgamay xulkooda.
Eusebio ayaana geeriyooday aroornimadii saakay isagoo ay da’diisa tahay 71-jir.
Eusebio ayaa ku dhashay Dalka Mozambique horaantii 1942-dii, waxaana xidigaan Portugal keenay madaxii xiligaas ee koxda Benfica Bela Guttman kaas oo xidigaan lasoo saxiixday 1961-dii isagoo 19-jir ah.
Wuxuuna u qaaday Benfica 11-horyaal oo Portugal ah, Shan Domestic Cups ah, iyo Koobkii Horyaalada Yurub sanadkii 1962-dii, sidoo kalana wuxuu ka mid ahaa wiilashii xulka Portugal kaalinta sadexaad keenay koobkii aduunka 1966-dii.
Xirfadiisa, Orodkiisa iyo Qaabkiisa ayaan noqon waayay mid ay u tabar waayeen xirfadleyda ka ciyareysay horyaalka Portugal, taasoo marqaati ay u tahay in kulamada uu saftay iyo goolashiisa ay badnaayeen goolashiisa 319-gool ayuu dhaliyay 313-kulan oo u saftay horyaalka ilaa haatana waa xidiga ugu goolasha badan kooxda Benfica.
Lix Jeer ayuu noqday xidiga ugu goolasha badan Horyaalka Portugal, Laba Jeerna wuxuu qaatay xidiga ugu goolasha badan Yurub (Golden Boot) 1968-dii iyo 1973-dii), Waxaana Loo Magacaabay Xidiga ugu wanaagsan Yurub 1965-tii, waxaana xiligaas ay Benfica yurub ku qabsatay awood dheeri ah.
Eusebio ayaa dhaliyay 41-gool, 61-kulan oo uu u saftay Xulka Portugal, kadib 15-sano oo uu ku sugnaa naadiga Benfica wuxuu aaday qaarada Waqooyiga America, wuxuuna kasoo ciyaaray kooxo ka dhisan Mexico iyo USA 1978-dii.
C. Ronaldo oo ah hogaamiyaha Portugal ayaana uga tacsiyeeyay dadyowga Portugal geerida Eusebio kaas oo twitter-kiisa ku qoray: “Mar Walba Waad Nala Joogtaa, Nabadna Ahow”
Wararka Ka Imaanaya Dalka Portugal ayaana sheegaya in Eusebio uu u geeriyooday xanuun dag-dag ah oo kaga yimid dhanka Wadnaha subaxnimadii Maanta [Axada].