Madaama Bacary Sagna uu heshiis la gaaray naadiga Man City niyada ka jebiyay kooxda Arsenal, maamulka kooxda Gunners-ka ayaa markooda iyaga dhigooda City nasiino u diidi doonaan waxayna kooxda Arsenal baahisay in maal maha nagu so fool leh ay heshiis ka saxiixi doonto xidiga gadoodsan James Milner.
Wargeska The Telegraph ayaa sheegay in macalin Arsene Wenger uu la xariiray wakiilka Milner una sheegay in kooxdiisa ay diyaar ula tahay boos joogto ah iyo mushaar ka wanaagsan midka uu haatan Etihad ka qaato sidaa darteed wakiilka xidigan ayaa dalabkan aqbalay waxaana lagu wadaa inuu Milner kooxdiisa Man City ku cadaadiyo inay dalabka Arsenal aqbaalan wararka ayaa intaas ku daraayo in Arsenal ay xidigan tayada wanaagsan kula soo saxiixan doonto 10-milyan oo pound.
28-jirkan horey ugu cayaari jiray naadiga Aston Villa ayaa dhawaan maamulka Man City ka codsaday in la iska fasaxo madaama uu dhibsaday kursiga keydka Man City balse waxaa City la yaab ku noqotay in Milner uu doortay naadiga Arsenal waxayna arinkan kusoo beeg matay maalmo kadib markii ay Man City shaaca ka qaaday inay heshiis 3-sano ka saxiixday Bacary Sagna sidoo kalena ay todobaad walbo mushaar ahaan usiin doonto £150,000
Sidaa darteed Arsenal oo dooneyso inay taageerayaasheeda iska qanciso ayaa iyadana markeeda Man City kasoo qaadan doonto James Milner oo kaalin muuqato ka qaatay xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday guushii ay City ka gaartay Premiership-ka England.