Nicola Cortese ayaan u ogolaan laheyn xidigaha Luke Shaw iyo Adam Lallana iney ka tagaan kooxda Southampton hadii uu ahaan lahaa gudoomiyaha haatan ee kooxda.
Gudoomiyihii hore ayaa aaminsan inuu wali kusii heyn lahaa labadaas xidig garoonka St Merry isagoo ka xun iney kooxda haatan iska iibiso.
Manchester United ayaa ku dhaw iney heshiis la gaarto daafaca bidix ee kooxda Luke Shaw, halka Kabtanka Kooxda Adam Lallana ay xiiso ba’an u qabto Liverpool inkastoo qudhiisa uu rabo inuu ku biiro.
“Waxan u abuurnay da’yartaan iney kooxda ku sugnaadaan” Ayuu Nicola Cortese u sheegay BBC.
“Uma aanan soo barbaarin in kooxda ay iska iibiso, hadii kale hamigaagii ayaad banaanka geysay” ayuu mar kale yiri Cortese.
Manchester United oo la kowsaneysa Van Gaal ayaa 27 Malyan ku dooneysa Luke Shaw iyadoo 85% la aaminsan yahay inuu xidigaas ka mid noqon doono kooxda Old Trafford ku ciyaarta.
Sidoo kale Liverpool macalinkeda Branden Rodgers ayaa 20 Malyan ku doonaya Adam Lallana kaas oo isna sheegay inuu jecel yahay ku biiritaanka Anfield Road.
“Waan Sheegay in maalintii iigu dambeysay kooxda aan ka cabsi qabin iney tani dhacdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay gudoomiyihii hore Cortese.
Si kastaba Gudoomiyihii hore Southampton ayaa aad kaga carooday wararka la xiriirnaya in labadaas wiil ay tagaan inkastoo haatan uusan gacan ka geysan karin in labadaas xidig ay kooxda ku nagaadaan.