Home » Maxaa Cusub » Group B, D & G: Waa Kee Groupka Loo Dooran Karo Inuu Yahay Groupka Dhimashada?

Group B, D & G: Waa Kee Groupka Loo Dooran Karo Inuu Yahay Groupka Dhimashada?

article-2519515-19E9715000000578-395_634x379

Isku aadka Koobka Aduunka ayaa lasoo saaray waxaana soo baxay Kulamo adag oo heer sare ah iyo groupyo kala daran oo qaarkood la oran karo waa groupka Dhimashada.

32-da dal ee ka qeyb galaya ayaa loo qeybiyay Sideed (8) group waxaana kulamada ugu adag lagu sheegaa iney yihiin kulamada dhexmari doona: Italy vs England, Holland vs Spain, Germany vs Portugal waana sadex group oo midba mid ka daran yahay balse aan u deyno Akhristayaasha Groupka noqon kara idka dhimashada kadib falanqeyntiisa.

Group B:

1. Spain

2. Netherland

3. Chile

4. Australia

Difaacdayaasha Koobka Spain ayaa hogaaminaya groupkaan waxaana kula jira wadankii kaalinta labaad ka galay koobkii Aduunka ee 2010 Holland, sidoo Kale Xulka Chile oo wacdaro ka dhigay Latin America ayaa ku jira groupka, wadanka afaraad ee ku jira groupkaan ayaana ah Australia oo aan dab yar shideynin.

Spain vs Holland: Waa Kulanka ugu adag kulamada Koobka Aduunka marka loo fiiriyo hormarka labada xul ay ka sameeyeen kulamadii isreeb-reebka labaduba waxey kusoo wada baxeen kaalmaha koowaad ee groupkooda.

Xidigaha Groupkaan: Diego Costa, Iniesta, Xavi, Alonso, Ramos, Vidal, Alexis Sanchez, Isla, Casillas, RVP, Sneijder, Robben, Strootman, Pique, Torres, Tim Cahil.

Ma Yahay Groupka Dhimashada:

Group D:

1. Uruguay

2. Costa Rica

3. Italy

4. England

Groupkaan waxaa ku jira Sadex wadan oo kusoo guuleystaan Koobkaan Loo tartamayo xulkii ugu horeeyay ee ku guuleystay tartankaan Uruguay oo heysata 2–jeer, Italy oo afar jeer heysata iyo England oo heysata hal jeer.

Kulanmada ugu adag: Italy vs England, Uruguay vs Italy, England vs Uruguay.

Inkastoo uu kusoo dhex lumay wadanka Costa Rica hadana kubada cagta wax walba ka filo.

Xidigaha Groupkaan: Buffon, Balotelli, Gerrard, Lampard, Suarez, Cavani, Diego Forlan, Pirlo, De Rossi, Ashley Cole, Rooney, Cahill, Godin.

Inkastoo xidigaha groupkaan aan lala barbardhigi karin kuwa group B, hadana xulalka is wajahaya ayaa ka dhigan kuwo adag oo ah dad qibrad u leh tartankaan.

Ma Yahay Groupka Dhimashada?

Group G:

1. Germany

2. Portugal

3. Ghana 

4. USA

Kaliya Xulka Jarmalka ayaa ah xulka kaliya ee ku guuleystay Koobkaan marka la eego groupkaan balse xulalka ku jira ayaa ah kuwo aad u xoogan. Jarmalka ayaa ah xul awood leh, Portugal kama liito kulaka ugu adag ayaana ah: Germany vs Portugal.

Xulka Africa ee Ghana ee ahaa xulkii ugu wanaagsanaa Africa Koobkii Aduunka 2010 ayaa u muuqda inuu af libaax ku dhacay madama uu dhexda ka galay xifaaltanka Mesut Ozil & C. Ronaldo.

Sidoo kale macalinkii hore Jarmalka Jorgen Klinisman ayaa wajahaya dalkiisa hooyo wuxuuna haata hogaamiyahaa xulka Mareykanka.

Xidgigaha Groupkaan: Manuel Neuer, Lahm, C. Ronaldo, Nani, Mesut Ozil, Podolski, Reus, Gundagon, Hummels, Moutinho, Asamoah Gyan, Muntari, Boateng, London Donavon, Dempsey.

Ma Yahay Groupka Dhimashada?

Shabakadda Hiilkubad: Groupka D Ayey u dooratay inuu yahay Groupka Dhimashada? Adiguna Fikrikaaga Dhiibo…


Waxaa Aqrisay: (286)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Group B, D & G: Waa Kee Groupka Loo Dooran Karo Inuu Yahay Groupka Dhimashada?

  1. holac Reply

    December 7, 2013 at 2:44 PM

    group g ayaa ah groupka dhimashada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>