Intii La Socday Qormadii Maanta ee aan kaga hadleynay Hordhaca koobka Aduunka & Macluumaad walba oo looga baahan yahay in laga ogaado xulalka ka qeyb galaya Koobka Aduunka.
Markaan waa qeybtii labaad oo aan ku eegi doono labada xul ee Mexico & Cameroon, inkastoo aan horay uga sheekeynay xulalka Brazil & Croatia.
Hadii aadan la socon qeybtii hore: Fadlan Links-kaan ku dhufo si aad u aqrisato warbixintii kaa hormartay:
Hadaba aan usoo gudubno qormadeena qeybteeda Labaad:
2. MEXICO
Tirada Shacabka reer Mexico: 120.8 million
Cunada ay xulkan Jecelyihiin: Mole Poblano de Guajalote – Waa shimbirka lagu magacaabo Turkey iyo maraq diiran inay isku cunaan ayay jecel yihiin.
Heesta calanka: Himno Nacional Mexicano
Guulihii ay koobka aduunka ka gaareen: Wareega 8-aad 1970 & 1980
Xidigaha Premiership-ka ka cayaaro ee xulkan ka tirsan: avier Hernandez (Man Utd).
Waa kuma macalinkooda:
Miguel Herrera waa 45-jir wuxuu xulkan dhalinta yar u qaaday tartankii Olympicada aduunka 2012.
Waa kuma kabtnkooda:
Rafael Marquez Alvarez waa daafacii hore ee Barcelona wuxuuna 34-jirkan xulkiisa u cayaaray 116-kulan!
Xidiga ay caleemo saarteen:
Hernandez
Javier Hernandez weeraryahanka United waa dhaliyaha xulkan ahna hogaamiyaha kowaad!
Xidiga isha lala raaci doono: Raul Jimenez weeararyahan tartankii Olympicada ayuu kusoo caan baxay
Mucjisadii Ugu Weyneed Oo Ay Tartankan Ka Dhigeen:
1986 koobkii aduunka ay marti galiyeen waxay ku sigteen inay nus dhumaadka u gudbaan madaama ay 0-0 ku celiyeen Jarmalkii Galbeed balse nasiib daro rigooyaraal ayaa looga badiyay ayagoo gurigooda joogaan!
Shaxda ay cayaari doonaan:
waxay xulkan cayaari doonaan 4-3-3
Xog Muhiim ah oo xulkan ku saabsan:
Kaliya 11-dhibcoo ayay heleen isreeb reebkii koobka aduunka iyo labo guul nasiib wanaag kulan Play Off waxay kasoo badiyeen New Zelanad.
Maxay u badan tahay inay sameeyaan inta uu tartankan socdo: Taageerayaal farabadan ayay Brazil la imaan doonaan ka filo inay dhibaan xulkii ka hor imaado!
Sadaasha laga baxiyay kulanka ugu horeeyo oo ay cayaari doonaan: 100-qofood oo la weydiiyay 1-ka mid ah wuxuu yiri Mexico kulankeeda ugu horeeyo koobka aduunka guul weyn ayay ku daah furi doontaa!!
3. CAMEROON
Tirada Shacabka reer Cameroon: 20.5million
Cunada ay xulkan Jecelyihiin: Ndole – Caleemo la cuno oo lagu daray Loos sidoo kalena Kaluunka iyo Hilibka Lo’da ayay jecel yihiin
Heesta calanka: Chant de Ralliement or The Rallying Song
Guulihii ay koobka aduunka ka gaareen: Wareega 8-aad 1990
Xidigaha Premiership-ka ka cayaaro ee xulkan ka tirsan: Samuel Eto’o (Chelsea), Sebastien Bassong (Norwich).
Waa kuma macalinkooda:
Volker Finke waa 65-jirkan u dhashay dalka Jarmalka sidoo kalena macalin Iskuul ahaan jiray wuxuuna 16-sano tababare u ahaa naadiga Freiburg bishii May ayuu xulka Cameroon la wareegay wuxuuna guuleestay 3-kulan ee uu ilaa haatan cayaaray.
Waa kuma kabtnkooda:
Samuel Eto’o waa ruug cadaa ka mid ah xidigaha caalamka ugu magaca dheer wuxuuna xulkiisa u saftay 112-kulan.
Xidiga ay caleemo saarteen:
Stephane Mbia xidigan awooda badan dhawaan ayuu Sevilla u horseeday hanashada tartanka Europa League.
Xidiga isha lala raaci doono: Fabrice Olinga waa17-jirkan aad u wanaagsan wuxuuna ka tirsan yahay naadiga Malaga.
Mucjisadii Ugu Weyneed Oo Ay Tartankan Ka Dhigeen: 1990 waxay garaaceen Argentia oo ay 1-0 kaga badiyeen waxaana goolka ka dhaliyay Omam-Biyik 67 Daqiiqo natiijadan ayaa ka midah midka ugu fajaca badan ee ebid koobka aduunka soo martay!
Shaxda ay cayaari doonaan: 4-5-1
Xog Muhiim ah oo xulkan ku saabsan: Ma jiro xidig ka tirsan Cameroon kaasi oo dhaliyay labo gool ka badan isreeb reebkii ay xulkan koobka aduunka ugu soo baxeen sidaa darteed dhaliska ayaa dhibaato ku haayo!
Maxay u badan tahay inay sameeyaan inta uu tartankan socdo: Waxaa laga filan kara inay mucjisadii Roger Milla hal habeen ka muujiyaan xagaagan koobka aduunka!
Sadaasha laga baxiyay kulanka ugu horeeyo oo ay cayaari doonaan: 400-qofood oo la weydiiyay 1-ka mid ah waxay dhaheen Cameroon kulankeeda ugu horeeyo koobka aduunka guul weyn ayay ku daah furi doontaa!!