Goolhayaha xulka Spain iyo naadiga Napoli Pepe Reina ayaa lagu wadaa marka uu koobka aduunka dhamaado inuu gabi ahaanba si rasmi ah uga hayaamo kooxda Liverpool oo haatan milkiyadiisa leh, sidaa darteed Arsenal ayaa lasoo xariirtay xidigan waaya araga ah wuxuuna macalin Arsene Wenger u balan qaaday boos joogto ah madaam Pepe Reina uu doonayo boos joogto ah.
Wakiilka xidigaan ayaa sheegay inay dalabka Arsenal soo dhaweyn doonaa sidoo kale goolhayahan waaya araga ah kooxda Barcelona ayaa dooneyso halka Napoli oo 12-bilood ee ugu dambeesay qaab amaah ku heesatay iyada dhankeeda dadaal ay si toos ah kula wareegeyso ayay wadaa.
31-jirkan wuxuu doonayaa inuu Premiership-ka England baaqi kusii ahaado waayo qoyskiisa England ayay ku nool yihiin waxayna ku cadaadinayaan inuu Premiership-ka baaqi kusii ahaado sidaa darteed Arsenal inuu ku biiro ayay u badan tahay goolhayahan waaya araga ah ee waqtigiisii ugu wanaagsanaa kusoo qaatay kooxda Liverpool.
Macalin Arsene Wenger ayaa taageero weyn u ah Pepe Reina wuxuuna labo sano ka hor ku fashilmay saxiixa goolhayan balse xagaagan si fudud ayuu ku heli doonaa madaama kooxdiisa Liverpool ay albaaba Anfield ka xiratay waxaana lagu heli karaa 5-milyan oo pound waana qiimo lacageed oo ay Arsenal si sahlan ku bixin karto.