Gonzalo Higuain ayaa Argentina u sahlay iney gaarto Semi Finalka kadib markii ay kusoo baxeen gool uu dhaliyay daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta.
Argentina ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta Gonzalo Higuain ayaana shabaqa la helay kubad qurux badan oo uu ka laaday meel afka ka ah goolka Belgium.
Da’yarka xulka Belgiumka Kevin De Bryune ayaa sameeyay isku day wanaagsan markii uu lugta bidix darbo awoood leh kula beegsaday goolka Argentina daqiiqadii 13-aad balse uma noqon.
Ciyaarta ayaa noqotay mid ay maamulkeeda heysto Argentina isla markaana aan laheyn xiiso gooni ah iyo weeraro labada dhinac ah inkastoo wiilasha Belgiumka ay sameynayeen iska caabin xoogan.
Angel Di Maria ayaa helay fursad wanaagsan oo weerar gaadmo ah aheyd, balse kabtan Kompany ayaa ka diiday beegsigii uu sameeyay daqiiqadii 32-aad aad ciyaarta.
Di Maria ayaa la badalay kadib markii uu muruqa xanuun daran ka dareemay Enzo Perez ayaana lagu badalay daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta.
Lionel Messi ayaa lagu abaalmariyay laad xor ah meel 19-talaabo u jirta goolka Belgiumka kadib markii isaga qalad laga galay balse kabtanka Argentina ayaa iska qasaariyay fursadaas daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta.
Kevin Mirallas ayaa helay fursad uu barbaro ugu keeni karay xulkiisa Belgiumka kadib markii uu karoos qurux badan ka helay Vertonghen balse xidiga Everton ayaa madaxii uu riday goosha la agmaray daqiiqadii 40-aad ee ciyaarta.
Ciyaarta qeybteeda hore waxaa lagu kala maray 1-0 oo ay Argentina hogaanka ku heyso, qeybtii labaad ee ciyaarta, Gonzalo Higuain ayaa helay fursad fiican daqiiqadii 50-aad ee ciyaarta inkastoo kubadii uu tuuray ay ku dhacday daafac Belgium ah.
Lionel Messi ayaa laad xor ah ku sigay goolka Belgiumka goolhaye Thibaut Courtios ayaana sameeyay dadaal dheeri ah kaas oo kubada ka beniyay Messi.
Gonzalo Higuain ayaa caawa la celin la’yahay kubad uu kasoo qaaday qadka dhexe ayuu la galay goolka Belgiumka isagoo si xariftan ah ku agmaray kaban Kompany balse kubadii uu riday birta ayaa ka beenisay daqiiqadi 55-aad ee ciyaarta.
Fellaini ayaa helay fursad uu barbaro ugu keeno xulka Belgiumka markii uu karoos qurux badan ka helay Vertonghan balse madaxii uu riday goolka ayuu sara mariyay daqiiqadii 60-aad.
Lionel Messi ayaa helay kubad hal iyo hal ah oo uu ula tagay goolhaye Courtios balse goolhayaha Belgiumka ayaa ka diiday gool kabtanka Argentina waana kulankii 6-aad oo uu Lionel Messi gool ka dhalin waayo gool.
Belgiumka ayaa sameeyay dadaal xoogan iyadoo Lukaku uu helay fursad qaali ah inkastoo uu gudaha soo dhigay kubad qurux badneyd balse Garay ayaa ka badbaadiyay.
Ugu dambeyntii Argentina ayaa soo gaartay Wareega Semi Finalka Koobka Aduunka iyadoo sugi doonta xulalka Costa Rica iyo Holland oo goor dambe oo caawa ah ciyaari doona.