Xulka Black Stars lagu neynaaso ayaa soo bandhigay bandhig cajiib ah markii ay 6-1 ku xaaqeen xulka Masar lugta hore ee isreeb-reebka Koobka Aduunka Qaarada Africa kulamada Kala Baxa waxaana Ghana ay awood u sheegatay Masar oo marti u aheyd xulka Ghana.
Gyan oo laba goal dhaliyay, Muntari oo rigoore dhaliyay, Waris oo madax saxiixay iyo Xidiga da’da yar ee Watsu oo darbo lugta bidix uu ku tuuray ugu lixeeyay Masar oo aad moodo ineysan aheydn Masar-tii la yaqaanay.
Ghana oo gurigeeda ku ciyaareysa ayaa hogaanka ciyaarta qabatay markii uu daqiiqadii 3-aad ee ciyaarta goal aad u qurux badan u dhaliya Kabtankooda Asamoah Gyan kaas oo meel aan ka fogeyn goalhayaha darbo kulul kasoo riday.
Ghana ayaase hogaanka heysa waxaana mar kale ay u dhawaatay iney hesho goalkeedii labaad markii kabtankooda Asamoah Gyan uu mar kale jaanis u helay inuu kubad furan ku helo goalhayaha Masar inkastoo goalhayaha uu iska diiday oo uu beeniyay.
Xulka gurigooda lagu ciyaarayo ee Ghana ayaa kordhiyay cadaadiska ay ku hayaan goalka Masar waxeyna mar kale u dhawaadeen iney goal helaan markii kubad karoos aheyd oo uu qaaday Michael Essien uu madaxa le helay Andre Ayew balse goalhayaha ayaa mar kale ka diiday.
Xaalada Masar ayaa noqotay Alow Sahal markii Michael Essien uu wax lala cajaa’ibo ku sameeyay xerada ganaxa isagoo is dul saaray sadex ka tirsan xidigaha masar oo uu ka mid yaay goalhayaha inkastoo ugu dambeyn uu ku garaacay kabtanka xulka Masar Gomma oo is lahaa badbaadi goalka.
Ghana ayaana ciyaarta hogaanka ku qabatay 2-0 daqiiqadii 22-ad ee ciyaarta ayeyna xulka Black Stars heleen goalka 2-aad.
Mohamed Majid oo ah daafaca dambe ee xulka Masar ayaa qasaariyay kubad uu fursad ku siin karay xulka Masar xili Mohamed Abu-terika uu laad xor ah kasoo qaaday dhinaca midig ee garoonka, daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta.
Mar Kale Masar ayaa isku dayday iney usoo dhawaato Ghana markii Laad xor ah oo ay soo tuureen daqiiqadii 38aad ee ciyaarta ay iska dhalin rabeen daafacyada xulka Ghana.
Xulka Masar ayaa lagu abaalmariyay goal ku laad ama rigoore markii qalad lagu galay numberka 11-aad ee xulka Masar waxaana rigooradaas goal u sarifay Mohamed Abu-Terika daqiiqadii 41-aad ee ciyaarta.
Ghana ayaa mar kale hogaanka sii dheereysatay markii kubad laad xor aheyd oo uu dhinaca bidix kasoo laaday xidiga Ac Milan Suley Ali Muntari uu madaxa ku saxiixay Daqiiqadii 44-aad ee qeybtii hore ciyaarta weeraryahankooda Waris.
Qeybtii Hore ayaa lagu kala nastay 3-1, waxaana ciyaarta ay noqotay mid hogaanka ay heyso Black Stars waxaana qeybtii labaad ee ciyaarta mar kale awood ku qabsatay Ghana.
Asamoah Gyan ayey ka heshay goalkeeda 4-aad kadib markii kubad aad u qurux badan oo u labada lug kusoo laaday Muntari uu madaxa ku dhaliyay kabtanka xulka Ghana daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta.
Masar ayey xaaladu ku adkaatay kadib markii laga dhaliyay goalkii 5-aad ee ciyaarta markii rigoore loo dhigay xidiga Waris uu saxiixay Muntari waxaana ciyaarta ay noqotay 5-1 oo ay hogaanka ku heyso Ghana daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta.
Watsu oo badal kusoo galay ayaa daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta dhaliyay goalka rikoorka u dhiibay Ghana kaas oo ka dhigay ciyaarta 6-1 waxaana Ghana ay hal lug la gashay Koobka Aduunka ee 2014-ka Brazil lagu qaban doono.
Lugta Labaad ayaa lagu ciyaari doonaa Masar balse soo laabashada xulka Egypt ayaan aheyn wax sahlan madama looga fadhiyo iney ku adkaadaan 6-0 si ay usoo gaaraan Koobka Aduunka.